• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor
Share


Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay go’aanka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ee uu uga haray tartanka musharaxnimada madaxweynaha maamulkaasi.

Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday Qoor-Qoor, isaga oo ku tilmaamay mid muujinaysa isu-tanaasul, isfaham iyo biseyl siyaasadeed oo ka hanaqaaday Galmudug.

“Waxaan bogaadinayaa waaga cusub ee siyaasadeed ee u baryay Galmudug ee isu-tanaasulka, isfahamka iyo biseylka ee Galmudug ka hanaqaaday,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Qoor-Qoor uu door muuqda ka qaatay horumarinta Galmudug, isagoo xusay in maamulku uu ku tallaabsaday waxqabadyo kala duwan muddadii uu xilka hayay.

Fiqi wuxuu sheegay in Galmudug ay caan ku tahay wadaninimo, isla markaana aysan ka mid ahayn meelaha laga abaabulo qorshayaal lagu dhaawacayo qaranimada Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in tanaasulka Qoor-Qoor uu meesha ka saaray waxa uu ugu yeeray shirqoolo siyaasadeed oo ka dhan ahaa maamulka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale guul u rajeeyay musharraxa Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), oo la rumeysan yahay inuu taageero ka haysto dowladda federaalka.

Tanaasulka Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa soo afjaray doodihii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka taagnaa Galmudug, kuwaas oo la xiriiray hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka maamulka.

Waxaa la filayaa in Galmudug ay martigeliso doorashooyin dadweyne, sida ay hore u shaaciyeen guddiyada qaabilsan arrimaha doorashooyinka, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay sii wadaan diyaar-garowgooda ku aaddan marxaladda cusub ee maamulka.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.