Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xubnaha Mucaaradka oo cambaareeyay xukunka Sacdiya Bajaaj

Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag uga fal-celiyay xukunka saddexda sano ee xabsiga ah ee maanta lagu riday Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, kadib go’aan ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 25, 2026, 5:52 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xubnaha Mucaaradka oo cambaareeyay xukunka Sacdiya Bajaaj
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag uga fal-celiyay xukunka saddexda sano ee xabsiga ah ee maanta lagu riday Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, kadib go’aan ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Sacdiyo lagu helay eedeymo la xiriira kicin dadweyne iyo sumcad dil lagu sheegay inay u geysatay hay’adaha iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xukunka ayaa yimid kadib dhowr fadhi oo maxkamadeed oo kiiska loo qabtay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ku tilmaamay xukunka mid aan caddaalad ahayn. Wuxuu sheegay in go’aankaasi uu dirayo fariin cabsi gelin ah oo ku wajahan dhalinyarada iyo dadka dhaliila dowladda.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda inay beegsaneyso dadka danyarta ah iyo kuwa aragtidooda si furan u cabbira. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay dulmi iyo cadaalad darro.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Hassan Ali Khaire, ayaa sheegay in Sacdiyo ay tahay hooyo u halgameysay nolosha qoyskeeda, isla markaana aan loo arkin dambiile. Wuxuu ku dooday in xukunka lagu riday uu dhaawacayo kalsoonida shacabka ee garsoorka.

Khayre ayaa sidoo kale sheegay in muwaadiniintu ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda, isagoo ku tilmaamay xarigga Sacdiyo mid cabsi gelin ku ah dadka doonaya inay ka hadlaan arrimaha bulshada iyo dowladda.

Dhinaca kale, dowladda iyo hay’adaha garsoorka ayaan weli ka jawaabin eedeymaha mucaaradka ee la xiriira xukunka. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa hore u sheegtay in Sacdiyo ay xaq u leedahay inay racfaan ka qaadato go’aanka lagu riday.

Sacdiyo Macalin Cali ayaa muddo ka badan laba bilood ku xirneyd Muqdisho, waxaana kiiskeeda si weyn ula socday bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka isticmaala baraha bulshada iyo kooxaha u dooda xuquuqda muwaadiniinta.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.