Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Xildhibaan Xasan Yare; “Doorashada waxa ay ka dhaceysaa Teendhada Afisyooni”

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xasan Yare, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada madaxtinimada dalka mar kale lagu qaban doono Teendhada Afisyooni, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 25, 2026, 4:12 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Xildhibaan Xasan Yare; “Doorashada waxa ay ka dhaceysaa Teendhada Afisyooni”
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xasan Yare, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada madaxtinimada dalka mar kale lagu qaban doono Teendhada Afisyooni, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

Xildhibaan Xasan Yare oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa sheegay in aan la isku diidaneyn goobta doorashada, balse la isku hayo habka loo wajahayo iyo qaabka loo marayo. Wuxuu tilmaamay in Teendhada Afisyooni ay weli tahay goob la isla oggol yahay.

“Teendhada la’iskuma diidano ee qaabka loo aadaayo ayaa la’isku haystaa mooyaane teendho waa la aadayaa,” ayuu yiri xildhibaanku, isaga oo caddeeyay in khilaafku yahay mid farsamo iyo siyaasadeed oo ku saabsan nidaamka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Baarlamaanka Federaalka uu doorashada ku go’aamin doono codadka xildhibaannada, isagoo tilmaamay in tirada guud ee 329 xildhibaan ay codeyn doonaan marka waqtigu la gaaro.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodo la xiriira doorashooyinka dalka, iyadoo aan weli la isla meel dhigin habka rasmiga ah ee loo qabanayo, taasoo dhalisay walaac ku saabsan xasilloonida siyaasadeed.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ka qeyb galay munaasabad dhaqameed ka dhacday Mogadishu, taas oo lagu caleemo saaray Ugaaska beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax iyo siyaasiyiin kala duwan oo ay ku jiraan Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Ali Khaire, kuwaas oo xusay muhiimadda dhaqanka iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Hadallada kasoo baxay xildhibaanka ayaa muujinaya in weli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka doorashooyinka, iyadoo Teendhada Afisyooni mar kale noqotay goob la filayo in lagu go’aamiyo hoggaanka dalka.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Maxkamada jarmalka oo so tarxiileyso Xidigta jarmalka kadib markii eey booqatay somaliland

Maxkamada jarmalka oo so tarxiileyso Xidigta jarmalka kadib markii eey booqatay somaliland

4 hours ago
Finland oo diiday lacag loogu talagalay mashaariic Soomaaliya kadib khilaaf ku saabsan

Finland oo diiday lacag loogu talagalay mashaariic Soomaaliya kadib khilaaf ku saabsan

4 hours ago
Madaxa Nvidia oo baaritaan loogu furay xiriir uu la lahaa

Madaxa Nvidia oo baaritaan loogu furay xiriir uu la lahaa

21 hours ago
Cali Guudlaawe oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay Ugaas Yuusuf

Cali Guudlaawe oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay Ugaas Yuusuf

23 hours ago
Trump oo sheegay in Israa’iil laga nacay mareykanka

Trump oo sheegay in Israa’iil laga nacay mareykanka

1 day ago
Imaaraadka carabta oo kahadlay ariin kusocota

Imaaraadka carabta oo kahadlay ariin kusocota

1 day ago
Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

3 days ago
Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.