• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka QM ee Ahlu Sunna Waljamaaca

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay go’aanka QM ee Ahlu Sunna Waljamaaca
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay go’aanka Qaramada Midoobay ee Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca looga saaray liiska kooxaha lagu eedeeyo xadgudubyada carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.

Warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan carruurta iyo colaadaha hubeysan ayaa xaqiijisay in Ahlu Sunna Waljamaaca aan hadda loo aqoonsanayn koox hubeysan oo madax-bannaan, kaddib markii xubnaheeda lagu daray hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dhashay geeddi-socod dheer oo isugu jiray qiimeyn, xog uruurin, xaqiijin iyo wada-tashiyo ay ka qeyb qaateen hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay tilmaantay in tallaabadan ay muujinayso horumarka laga gaaray dib-u-habeynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta waajibaadka la xiriira ilaalinta carruurta iyo rayidka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay inay hormuud ka ahayd dadaalladii farsamo ee lagu xaqiijiyay xaaladda Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo codsi rasmi ah u gudbisay Qaramada Midoobay si loo waafajiyo qiimeynta caalamiga ah iyo xaqiiqooyinka ka jira Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, UNICEF, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, gaar ahaan Galmudug, iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay ka geysteen arrintan.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa markale caddeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta carruurta, dhowrista xuquuqda aadanaha, hirgelinta siyaasadaha ilaalinta rayidka iyo dhismaha hay’ado amni oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.