• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, June 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo sheegay in uusan aqbali karin laba qodob oo mucaaradku dalbanayaan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 hours ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo sheegay in uusan aqbali karin laba qodob oo mucaaradku dalbanayaan

Wararka Ugu Aqrintabadan

Dowladda Federaalka iyo FAO oo xoojiyay iskaashiga horumarinta dalka+sawiro

Dowladda Federaalka iyo FAO oo xoojiyay iskaashiga horumarinta dalka+sawiro

19 hours ago
Digniino loo diray Cirro kahor safarkisa la qorsheeyay ee Israel

Digniino loo diray Cirro kahor safarkisa la qorsheeyay ee Israel

20 hours ago
Load More
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka uu salka ku hayo arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo dhismaha nidaam siyaasadeed oo ku saleysan xisbiyo rasmi ah, isagoo sheegay in labadaas qodob ay yihiin tiirarka muhiimka u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka inay doonayaan in dalka uu ku sii socdo nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban, halka dowladda ay qorsheyneyso in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda ay doonayso in siyaasadda dalka laga wareejiyo nidaam ku dhisan shaqsiyaad iyo isbahaysiyo ku meel gaar ah, loona gudbo nidaam ay hoggaaminayaan xisbiyo siyaasadeed oo sharciyeysan. Sida uu sheegay, xisbiyadu waxay muhiim u yihiin isla xisaabtanka, tartanka siyaasadeed iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa xusay in marar badan uu mucaaradka ka codsaday inay soo bandhigaan qorshe ama aragti kale oo lagu beddeli karo qorshaha dowladda, balse uu sheegay in aan weli la helin soo-jeedin cad oo beddel u noqon karta hannaanka hadda la wado.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa si cad u diiday baaqyada ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012. Wuxuu sheegay in dastuurkaasi uu qayb ka yahay taariikhda dowlad-dhiska Soomaaliya, balse aanay suurtagal ahayn in dib loogu noqdo sidii uu markaas ahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan sameyn dastuur cusub, balse ay waddo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka oo hore loogu waajibiyay hay’adaha dowladda. Wuxuu tilmaamay in baarlamaannadii hore dhowr jeer dib u dhigeen hawshaas, halka dowladda hadda jirta ay go’aansatay in aan mar kale dib loo dhigin.

Sidoo kale wuxuu adkeeyay in qof kasta oo qaba cabasho ama aragti ka duwan tan dowladda uu soo bandhigi karo qodobada uu diidan yahay iyo sababaha sharciyeed ee ku kalifaya mowqifkaas. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in dastuurka hadda jira lagu sameyn karo wax-ka-beddel iyo sixitaan iyadoo la raacayo habraacyada sharciyeed ee ku xusan dastuurka laftiisa.


Share
Tags: caasimadda Muqdishowararka mantawararka somalia
Previous Post

Dowladda Federaalka iyo FAO oo xoojiyay iskaashiga horumarinta dalka+sawiro

Next Post

Mareykanka iyo Iiraan oo ku dhow heshiis lagu soo afjarayo colaadda

Related Posts

Dowladda Federaalka iyo FAO oo xoojiyay iskaashiga horumarinta dalka+sawiro

Dowladda Federaalka iyo FAO oo xoojiyay iskaashiga horumarinta dalka+sawiro

by Amin Cali Abdi
19 hours ago

Wararka24: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa...

Trump oo ku dhawaaqay in heshiis lala gaaray Iran, lana so afjarayo dagaalka

Trump oo ku dhawaaqay in heshiis lala gaaray Iran, lana so afjarayo dagaalka

by Amin Cali Abdi
19 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in heshiis muhiim ah laga gaaray colaadda la xiriirta Iran, isagoo...

Digniino loo diray Cirro kahor safarkisa la qorsheeyay ee Israel

Digniino loo diray Cirro kahor safarkisa la qorsheeyay ee Israel

by Amin Cali Abdi
20 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa wajahaya cadaadis iyo digniino isa soo taraya kadib warar la...

Xasan Sheekh oo markale difaacay doorashada qof iyo codka ah

Xasan Sheekh oo markale difaacay doorashada qof iyo codka ah

by Amin Cali Abdi
21 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku adkeystay in dalka laga hirgeliyo...

Itoobiya oo ka digtay dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray

Itoobiya oo ka digtay dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray

by Amin Cali Abdi
21 hours ago

Wararka24: Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in xoogag ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ay isku diyaarinayaan weerar...

Daawo: NISA oo qabatay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab

Daawo: NISA oo qabatay walxo kiimiko ah oo loo waday Al-Shabaab

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen walxo kiimiko ah oo...

Load More

Recommended

Siyaasadeed

Mucaraadka dowlada somalia oo war murtiyed soo saaray

1 year ago
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Arinti Madaxweynaha xassan sheekh iyo falcilinta dadka? + faahfaahin

1 year ago
Iran oo weerarro culus ka geysatay Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Iran oo weerarro culus ka geysatay Isu-tagga Imaaraadka Carabta

1 month ago
Xilliga uu Madaxweynaha Somaliland booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey

Xilliga uu Madaxweynaha Somaliland booqanayo Israa’iil oo la shaaciyey

4 months ago
Mudane Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi oo wasiiro cusub magacaabay, qaarna eryay + magacyadooda

1 year ago
DAAWO: Deni oo kulan la qaatay Suldaan Siciid xilli xiisad siyaasadeed taagan tahay

DAAWO: Deni oo kulan la qaatay Suldaan Siciid xilli xiisad siyaasadeed taagan tahay

2 months ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Jabuuti Si Uu Ula Kulmo Madaxweyne Geelle

11 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.