• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo markale difaacay doorashada qof iyo codka ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo markale difaacay doorashada qof iyo codka ah
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku adkeystay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan habboonayn in Soomaaliya ay sii ahaato dal aan ka dhicin doorasho dadweyne, isagoo xusay in muddo ku dhow lixdan sano ay ka soo wareegtay doorashadii ugu dambeysay ee noocaas ah. Wuxuu tilmaamay in hadda la joogo xilligii lagu dhaqaaqi lahaa hirgelinta nidaam doorasho oo shacabka codkooda si toos ah ugu dhiibanayaan.

“58 sano kahor ayaa noogu dambaysay doorasho. Wax way naga qaldan yihiin waxna way inoo saxan yihiin, waxaa loo baahan yahay in aan qabano doorashada si wixii qaldamay berri loo saxo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in haddii ay jiraan caqabado ama khaladaad ka dhex muuqda geeddi-socodka doorashada, lagu sixi karo inta uu socdo hannaanka, balse aan taasi sabab u noqon karin in la hakiyo dadaallada lagu hirgelinayo doorasho dadweyne.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in nidaamka xisbiyada siyaasadeed uu mari doono marxalad kala saarid ah, taas oo keeni karta in ay soo baxaan xisbiyo qaran oo awood leh oo ku tartama hoggaanka dalka. Wuxuu tilmaamay in axsaabta kale ay heli doonaan fursado ay ku midoobaan ama ku xoojiyaan awooddooda siyaasadeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa beeniyay eedeymaha mucaaradka ee sheegaya in dowladda federaalka ay damacsan tahay inay sii haysato talada dalka ama dib u dhigto isbeddelka siyaasadeed. Wuxuu sheegay in hadafka dowladda uu yahay in la helo nidaam doorasho oo lagu beddelo habka dadban ee Soomaaliya muddo dheer ku soo jirtay.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha iyo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo mucaaradka iyo dowladda ay weli isku maandhaafsan yihiin qaabka loo wajahayo geeddi-socodka siyaasadeed ee soo socda.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.