Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Booliska oo hub culus ku soo bandhigay hoteelka Elite+sawiro

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan oo uu sheegay in lagu qabtay howlgal amni oo laga fuliyay gudaha hoteelka Elite. Hubka la soo bandhigay ayaa isugu jiray…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 8, 2026, 5:30 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Booliska oo hub culus ku soo bandhigay hoteelka Elite+sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub kala duwan oo uu sheegay in lagu qabtay howlgal amni oo laga fuliyay gudaha hoteelka Elite. Hubka la soo bandhigay ayaa isugu jiray noocyo fudud iyo kuwo culus, iyadoo sidoo kale la arkayay qalab kale oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay hubka, ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah ee ku sugan caasimadda. Wuxuu xusay in hay’adaha amniga ay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in hub culus lagu haysto gudaha magaalada, gaar ahaan goobaha rayidka iyo xarumaha kale ee aan loo oggolayn in lagu kaydiyo hub noocaas ah. Sida uu sheegay, dowladda waxaa ka go’an hirgelinta sareynta sharciga iyo xoojinta amniga guud.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo olole ballaaran oo lagu uruurinayo hubka aan sharciga waafaqsanayn. Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada ammaanka ayaa howlgallo la mid ah ka fuliyay degmooyin kala duwan oo ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo lagu soo qabtay hub iyo agab ciidan.

Wararka ayaa tilmaamaya in howlgalka hub ka dhigista uu gaaray deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Banaadir, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in ujeeddada ugu weyn ay tahay ka hortagga khataraha amni iyo hubka lagu isticmaali karo falal sharci darro ah.

Dhanka kale, howlgaladan ayaa socda xilli ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka. Dadaalladaasi ayaa la filayaa inay diiradda saaraan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ku adkeysanaya in howlgalada amniga iyo dadaallada siyaasadeed ay barbar socdaan, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo amniga caasimadda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.