Wararka24: Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliska iyo Nabad-sugidda, ayaa saaka howlgallo amni ka bilaabay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, kadib dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay degmadaas.
Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid lagu baadigoobayo laguna ururinayo hub sharci-darro ah oo la sheegay in lagu qariyay goobo kala duwan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka booliska, howlgalka ayaa diiradda saaraya hubkii ay dowladdu ku eedeysay kooxihii ku lugta lahaa iska horimaadyadii ka dhacay degmada Cabdicasiis. Ciidamada ayaa la sheegay inay ka shaqeynayaan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Booliska ayaa shacabka degmada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna ka fogaadaan kaydinta ama qarinta hub sharci-darro ah. Sidoo kale waxaa la adkeeyay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay hub lagu carqaladeyn karo amniga.
Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale shacabka ku dhiirrigeliyay inay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta hub sharci-darro ah ama dhaqdhaqaaqyo amniga khatar gelin kara.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka guuray aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, iyadoo xaaladda guud ee degmada lagu soo warramayo inay hadda tahay mid deggan marka loo eego maalmihii hore.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, halka dhinacyada mucaaradkuna ay hore u muujiyeen walaac ku saabsan qaabka loo maareynayo xiisadaha siyaasadeed ee dalka.














