• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cumar Cabdirashiid oo ugu baaqay dowladda iyo mucaaradka inay is-xakameyn

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cumar Cabdirashiid oo ugu baaqay dowladda iyo mucaaradka inay is-xakameyn
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo mucaaradka inay muujiyaan is-xakameyn, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore u soo martay xaalado siyaasadeed oo la mid ah kuwa hadda taagan, isagoo xusay in waayo-aragnimada laga bartay marxaladihii hore ay muujisay in wada-hadalka iyo is-afgaradku yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka.

Wuxuu tilmaamay in dalka uu weli wajahayo khatarta kooxda Al-Shabaab, sidaas darteedna aysan jirin fursad loo oggolaan karo khilaaf cusub oo wax u dhimaya amniga iyo dadaallada lagu sugayo xasilloonida.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale ka digay in sii kordhinta xiisadaha siyaasadeed ay keeni karto kala qaybsanaan dheeraad ah, gaar ahaan hay’adaha amniga, taas oo saameyn ku yeelan karta awoodda dowladda ee la tacaalidda caqabadaha jira.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in mudaharaadyada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee la qorsheeyay ay u dhacaan si nabad ah, isagoo xusay in dowladda ay saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee ilaalinta amniga shacabka iyo ka hortagga isku dhacyo hor leh.

Cumar Cabdirashiid ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si xal waara looga gaaro murannada la xiriira doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee taagan.

Baaqan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyo kala duwan ay ku baaqayaan in mudnaanta la siiyo wada-hadal iyo xal nabadeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.