Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo qabatay dagaalame Yemeni ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen dagaalame ajaanib ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaas oo lagu qabtay deegaanka Af-cas ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay weli ka socdaan howlgallo amni.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 3, 2026, 2:36 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo qabatay dagaalame Yemeni ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen dagaalame ajaanib ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaas oo lagu qabtay deegaanka Af-cas ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay weli ka socdaan howlgallo amni.

Afhayeenka Hawlgalka Calmiskaad, Jeneraal Maxamuud Jaamac Faadhigo, ayaa sheegay in ninka la qabtay uu u dhashay dalka Yemen isla markaana uu muddo ka tirsanaa dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad. Sida uu sheegay, dagaalamahan ayaa la qabtay xilli uu ku jiray dhaqdhaqaaq la xiriira howlaha kooxda.

Gen. Faadhigo ayaa xusay in ninka la qabtay uu qirtay inuu kasoo baxay saldhig ay kooxda Daacish ku leedahay deegaanka Shakaala. Wuxuu sheegay in dagaalamahan iyo xubno kale oo la socday loo diray inay soo helaan dameero loo adeegsanayo sahayda iyo baahiyaha kooxda.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Daacish ay la tacaaleyso xaalado adag oo dhinaca sahayda iyo cunnada ah, taas oo saameyn ku yeelatay awooddooda dhaqdhaqaaqa iyo howlgalada. Sida uu sheegay, xirnaanshaha marinadii sahaydu mari jirtay ayaa sii kordhiyay cadaadiska saaran kooxda.

Ciidamada Puntland iyo kuwa deegaanka ayaa weli wada howlgallo ka dhan ah Daacish, kuwaas oo ka socda deegaanno kala duwan oo ku yaalla buuraha Calmiskaad. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in goobihii ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda la hareereeyay, isla markaana si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqyadooda.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Puntland ku doonayso inay ku wiiqdo awoodda kooxaha hubeysan ee ka howlgala deegaannada buuraleyda ah. Saraakiisha ammaanka ayaa muujiyay rajo ah in howlgalada socda ay horseedi doonaan in la xakameeyo dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacish ee gobolka.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in uu sii xoojinayo howlgallada amni ee ka socda Calmiskaad, iyadoo la doonayo in laga hortago khataraha amni ee ay kooxahaasi ku hayaan shacabka iyo deegaannada gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.