Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cali Cabdullaahi Cosoble Oo Shariif uga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa si adag uga hadlay mowqifka siyaasadeed ee Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 12:40 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Cali Cabdullaahi Cosoble Oo Shariif uga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa si adag uga hadlay mowqifka siyaasadeed ee Shariif Sheekh Axmed ee ku aaddan muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Cosoble uga digay Shariif Sheekh Axmed inuu qaado waddo siyaasadeed uu ku tilmaamay mid dalka gelin karta qalalaase iyo khilaaf muddo dheer socda.

Cosoble ayaa dib u xusuusiyay marxaladihii siyaasadeed ee Soomaaliya kasoo maray burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991, isaga oo tusaale usoo qaatay khilaafkii u dhexeeyay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed.

“Jen Caydiid waxa uu sanadkii 1991 diiday labo sano oo uu Cali Mahdi madaxweyne ka ahaado Soomaaliya. Waxay dhashay Cali Mahdi inuu ahaa madaxweyne ilaa iyo sanadkii 2000,” ayuu yiri Cosoble.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii maanta la diido muddo kordhinta uu sharci ku tilmaamay, ay taasi horseedi karto xaalad sii dheeraata oo la xiriirta hoggaanka dalka iyo doorashooyinka mustaqbalka.

Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa xoogeystay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo dhinacyadu ay isku khilaafsan yihiin muddo xileedka hay’adaha federaalka, wax ka beddelka dastuurka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Mucaaradka oo uu kamid yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa ku doodaya in muddo xileedka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka dowladda federaalka ay sheegtay in wax ka beddelka dastuurka cusub uu dhigayo muddo xileed shan sano ah.

Villa Somalia ayaa ku adkeysaneysa in isbeddellada dastuuriga ah ay ku saleysan yihiin hannaan sharci iyo go’aanno ay ansixiyeen hay’adaha dowladda, halka mucaaradku ay qabaan in aan lagu dhaqaaqi karin isbeddel siyaasadeed oo waaweyn iyada oo aan la helin heshiis qaran oo loo dhan yahay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa sii xoogeysatay maalmahan, iyadoo ay socdaan kulamo, dibadbaxyo iyo dadaallo ay odayaasha dhaqanka ku doonayaan in lagu helo xal siyaasadeed oo lagu dejiyo xaaladda dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

20 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

21 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.