• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, May 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Villa Somalia oo dooratay musharraxeeda Galmudug, Waa kuma?

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
1 day ago
Reading Time: 2 mins read
Villa Somalia oo dooratay musharraxeeda Galmudug, Waa kuma?

Wararka Ugu Aqrintabadan

Qatar oo dib ugu laabatay dhexdhexaadinta Bariga Dhexe ee Iran

Qatar oo dib ugu laabatay dhexdhexaadinta Bariga Dhexe ee Iran

5 hours ago
Safaaradda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay Soomaalida Koonfur Afrika

Safaaradda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay Soomaalida Koonfur Afrika

1 day ago
Load More
Share

Wararka24: Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay taageeradeeda u weecisay siyaasiga Liibaan Axmed Xasan, kaas oo la sheegay inuu noqon doono musharraxa ay ku taageereyso doorashada madaxtinnimada Galmudug ee la filayo inay dhacdo bisha July.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in la qorsheynayo munaasabad lagu shaacinayo taageerada siyaasigan, taas oo lagu qaban doono xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in loollan xooggan uu ka taagan yahay cidda loo xulan doono musharraxa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, iyadoo siyaasiyiin kala duwan ay wadaan dadaallo ay ku raadinayaan taageerada xisbiga talada haya.

Sida la sheegay, kulamo iyo wada-hadallo hoose ayaa socda si loo yareeyo khilaafaadka iyo tartanka ka dhex jira xubnaha doonaya xilalka sare ee maamulka Galmudug.

Dhanka kale, magaalada Dhusamareb ayaan weli laga dareemin olole siyaasadeed oo si weyn u muuqda, waxaana aan si rasmi ah loo ogeyn mowqifka uu qaadan doono Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), marka ay soo dhowaato doorashada maamulkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka Galmudug, iyadoo dhinacyada kala duwan ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo lagu xoojinayo saameyntooda siyaasadeed.

Wararka siyaasadeed ayaa sidoo kale sheegaya inuu jiro ismaandhaaf u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoor-Qoor, kaas oo la xiriira doorashooyinka soo socda iyo mustaqbalka hoggaanka Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa lagu warramayaa inuu doonayo inuu mar kale isku soo taago xilka madaxtinnimada Galmudug, halka wararku sheegayaan in Dowladda Federaalka ay taageereyso musharrax kale. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia ama maamulka Galmudug oo si cad u xaqiijinaya wararkan.

Share
Tags: Madax weynaha Xasan Sheekhsomaliawararka mantawararka somaliaWararka24 manta
Previous Post

Cuba ma dalka xigaa oo bartilmaameedka u ah Mareykanka kadib Iran?

Next Post

Safaaradda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay Soomaalida Koonfur Afrika

Related Posts

Qatar oo dib ugu laabatay dhexdhexaadinta Bariga Dhexe ee Iran

Qatar oo dib ugu laabatay dhexdhexaadinta Bariga Dhexe ee Iran

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Wafti wada-hadal ah oo ka socda dowladda Qatar ayaa gaaray magaalada Tehran ee dalka Iran, iyadoo la...

Safaaradda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay Soomaalida Koonfur Afrika

Safaaradda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay Soomaalida Koonfur Afrika

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa digniin amni u dirtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, iyadoo...

Cuba ma dalka xigaa oo bartilmaameedka u ah Mareykanka kadib Iran?

Cuba ma dalka xigaa oo bartilmaameedka u ah Mareykanka kadib Iran?

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Warar lagu daabacay warbaahinno kala duwan ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda,...

Wasiir Cali Xoosh oo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Puntland

Wasiir Cali Xoosh oo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Puntland

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha...

Ciidamada Danab oo deegaanka Afgooye kasoo qabtay hub iyo agabka qaraxyada

Ciidamada Danab oo deegaanka Afgooye kasoo qabtay hub iyo agabka qaraxyada

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal ay ciidamada kumaandooska Danab ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada...

Masar iyo Eritrea oo xoojiyay iskaashiga Badda Cas, heshiis lid ku ah Itoobiya iyo damaceeda badda

Masar iyo Eritrea oo xoojiyay iskaashiga Badda Cas, heshiis lid ku ah Itoobiya iyo damaceeda badda

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Masar iyo Eritrea ayaa magaalada Asmara ku kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan gaadiidka badda iyo...

Load More
Next Post
Safaaradda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay Soomaalida Koonfur Afrika

Safaaradda Soomaaliya oo digniin amni u dirtay Soomaalida Koonfur Afrika

Qatar oo dib ugu laabatay dhexdhexaadinta Bariga Dhexe ee Iran

Qatar oo dib ugu laabatay dhexdhexaadinta Bariga Dhexe ee Iran

Recommended

Mucaaradka oo si adag uga jawaabay khudbaddii Xasan Sheekh

Mucaaradka oo si adag uga jawaabay khudbaddii Xasan Sheekh

3 weeks ago
Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Soomaaliya

Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Soomaaliya

5 days ago
Mudug

Waxgaradka Mudug oo Cabasho u Gudbiyay Puntland

12 months ago
faylasha Epstein Oo ay somaliland ka soo dhex-muuqatay

faylasha Epstein Oo ay somaliland ka soo dhex-muuqatay

4 months ago
Villa Somalia oo faah faahisay qorshaha Xasan Sheekh ee Koonfur Galbeed

Villa Somalia oo faah faahisay qorshaha Xasan Sheekh ee Koonfur Galbeed

2 months ago
Mucaaradka oo ku dhawaaqay qorshe ‘Badbaado Qaran’ kadib kulan Muqdisho

Mucaaradka oo ku dhawaaqay qorshe ‘Badbaado Qaran’ kadib kulan Muqdisho

1 month ago
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay shaacisay xilka Jihaan Xasan

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay shaacisay xilka Jihaan Xasan

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.