Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Villa Somalia oo dooratay musharraxeeda Galmudug, Waa kuma?

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay taageeradeeda u weecisay siyaasiga Liibaan Axmed Xasan, kaas oo la sheegay inuu noqon doono musharraxa ay ku taageereyso doorashada madaxtinnimada Galmudug ee la filayo inay dhacdo bisha July.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 22, 2026, 5:51 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Villa Somalia oo dooratay musharraxeeda Galmudug, Waa kuma?
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay taageeradeeda u weecisay siyaasiga Liibaan Axmed Xasan, kaas oo la sheegay inuu noqon doono musharraxa ay ku taageereyso doorashada madaxtinnimada Galmudug ee la filayo inay dhacdo bisha July.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in la qorsheynayo munaasabad lagu shaacinayo taageerada siyaasigan, taas oo lagu qaban doono xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in loollan xooggan uu ka taagan yahay cidda loo xulan doono musharraxa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, iyadoo siyaasiyiin kala duwan ay wadaan dadaallo ay ku raadinayaan taageerada xisbiga talada haya.

Sida la sheegay, kulamo iyo wada-hadallo hoose ayaa socda si loo yareeyo khilaafaadka iyo tartanka ka dhex jira xubnaha doonaya xilalka sare ee maamulka Galmudug.

Dhanka kale, magaalada Dhusamareb ayaan weli laga dareemin olole siyaasadeed oo si weyn u muuqda, waxaana aan si rasmi ah loo ogeyn mowqifka uu qaadan doono Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), marka ay soo dhowaato doorashada maamulkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka Galmudug, iyadoo dhinacyada kala duwan ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo lagu xoojinayo saameyntooda siyaasadeed.

Wararka siyaasadeed ayaa sidoo kale sheegaya inuu jiro ismaandhaaf u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoor-Qoor, kaas oo la xiriira doorashooyinka soo socda iyo mustaqbalka hoggaanka Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa lagu warramayaa inuu doonayo inuu mar kale isku soo taago xilka madaxtinnimada Galmudug, halka wararku sheegayaan in Dowladda Federaalka ay taageereyso musharrax kale. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia ama maamulka Galmudug oo si cad u xaqiijinaya wararkan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

19 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

20 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.