Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wasiir Cali Xoosh oo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Puntland

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay dowladnimada, midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 22, 2026, 4:54 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Wasiir Cali Xoosh oo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay dowladnimada, midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu wasiirku ku sheegay in war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland uusan u adeegeyn shacabka Soomaaliyeed, balse uu qeyb ka yahay waxa uu ku tilmaamay dadaallo lagu carqaladeynayo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Cali Xoosh ayaa sheegay in siyaasadda Deni ay ku dhisan tahay ka hor imaanshaha qorshayaasha horumarineed iyo taageeridda arrimo horseedi kara kala qeybsanaan iyo dib u dhac siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu hore uga horyimid qorshayaal ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya, hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, ka faa’iideysiga khayraadka dalka iyo dhismaha ciidamada qaranka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Puntland mararka qaar loo adeegsaday cadaadis siyaasadeed oo lagu saaro dowladda dhexe, isagoo ku dooday in taasi ay dhaawacayso dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid maalin kadib markii Puntland ay shaacisay in aysan aqoonsanayn sharciyadda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud, isla markaana ay ku baaqday in la qabto shir siyaasadeed oo degdeg ah oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Puntland ayaa dhankeeda ku adkeysatay in loo baahan yahay wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed si looga gudbo khilaafaadka taagan loona gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo dhinacyadu ay weli isku khilaafsan yihiin arrimo la xiriira doorashooyinka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.