Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

NISA oo sheegtay in 26 xubnood oo Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay Hiiraan

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgallo duqeyn ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 22, 2026, 10:21 am EAT
Reading Time: 3 mins read
NISA oo sheegtay in 26 xubnood oo Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay Hiiraan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgallo duqeyn ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka hay’adda, howl-gallada ayaa ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

NISA ayaa sheegtay in howl-galladan lagu dilay 26 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, isla markaana lagu burburiyay goobo lagu keydin jiray hub, gaadiid iyo xarumo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas lagu beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa isgoyska Madaxya-weyn. Hay’addu waxay sheegtay in halkaasi lagu dilay 14 xubnood, laguna gubay teendhooyin iyo gabaadyo ay kooxda isticmaali jirtay.

Howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Mukayle ayay NISA ku sheegtay in lagu dilay sagaal xubnood, oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabay Sadaam oo la sheegay inuu ahaa ku xigeenka deegaankaas. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in 16 kale lagu dhaawacay howlgalkaasi.

Dhanka kale, duqeyn ka dhacday deegaanka Shaw ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo lagu kaydiyo laguna dayactiro hubka. NISA ayaa sheegtay in goobtaas lagu dilay saddex xubnood oo ay ku tilmaamtay farsamo-yaqaanno ka tirsanaa kooxda, isla markaana la burburiyay gaari nooca Hoomeyda ah.

Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya khasaaraha ay sheegtay NISA, waxaana sidoo kale aan wax jawaab ah kasoo bixin kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howl-galladan.

Howl-galladan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gobolka Hiiraan uu kamid yahay meelaha ay si joogto ah uga socdaan howlgallada milatari iyo duqeymaha lagu beegsanayo kooxda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.