• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

NISA oo sheegtay in 26 xubnood oo Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay Hiiraan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
NISA oo sheegtay in 26 xubnood oo Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay Hiiraan
Share

Wararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgallo duqeyn ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka hay’adda, howl-gallada ayaa ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

NISA ayaa sheegtay in howl-galladan lagu dilay 26 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, isla markaana lagu burburiyay goobo lagu keydin jiray hub, gaadiid iyo xarumo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas lagu beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa isgoyska Madaxya-weyn. Hay’addu waxay sheegtay in halkaasi lagu dilay 14 xubnood, laguna gubay teendhooyin iyo gabaadyo ay kooxda isticmaali jirtay.

Howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Mukayle ayay NISA ku sheegtay in lagu dilay sagaal xubnood, oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabay Sadaam oo la sheegay inuu ahaa ku xigeenka deegaankaas. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in 16 kale lagu dhaawacay howlgalkaasi.

Dhanka kale, duqeyn ka dhacday deegaanka Shaw ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo lagu kaydiyo laguna dayactiro hubka. NISA ayaa sheegtay in goobtaas lagu dilay saddex xubnood oo ay ku tilmaamtay farsamo-yaqaanno ka tirsanaa kooxda, isla markaana la burburiyay gaari nooca Hoomeyda ah.

Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijinaya khasaaraha ay sheegtay NISA, waxaana sidoo kale aan wax jawaab ah kasoo bixin kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howl-galladan.

Howl-galladan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo gobolka Hiiraan uu kamid yahay meelaha ay si joogto ah uga socdaan howlgallada milatari iyo duqeymaha lagu beegsanayo kooxda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.