• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidamada dowladda oo howlgallo guri-guri ah ka fuliyay Dayniile

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Ciidamada dowladda oo howlgallo guri-guri ah ka fuliyay Dayniile
Share

Wararka24: Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran oo guri-guri ah ka sameeyay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha Raadeerka iyo deegaano kale oo ku dhow halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen guryo badan, iyagoo baaritaanno ku sameynayay hub sharci darro ah iyo arrimo la xiriira amniga. Qoysas badan ayaa la sheegay in si ku meel gaar ah looga saaray guryahooda inta ay socdeen baaritaannada.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in aan si rasmi ah loo xaqiijin wax hub ah oo laga helay guryihii la baaray. Ciidamada ayaa howlgalka kadib dib uga baxay xaafadaha ay ka sameeyeen baaritaanka.

Howlgalladan ayaa yimid kadib kulan amni oo maalin ka hor lagu qabtay degmada Dayniile, kaas oo ay ka qeybgaleen saraakiil booliis, xubno ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidamada booliiska militariga.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xoojinta ammaanka degmada iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, maadaama la filayo munaasabado iyo fasaxyo soo socda.

“Ujeeddada ugu weyn ee howlgallada guri-guriga ah waxay ahayd xoojinta ammaanka caasimadda, gaar ahaan Dayniile,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada, isagoo xusay in tallaabooyinkaasi looga hortagayo falal amni darro iyo weerarro ay geystaan kooxo hubeysan.

Dhanka kale, degmada Dayniile ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay laga soo sheegayay xiisado u dhexeeya ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka. Dadka deegaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay inay wadaan howlgallo iyo burburin dhulal ay bulshada sheegtay in loo asteeyay adeegyo guud.

Qaar kamid ah dibadbaxyadii ka dhacay degmada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii shacabka ay kasoo horjeesteen tallaabooyin la xiriiray burburinta dhulalkaasi.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.