Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada dowladda oo howlgallo guri-guri ah ka fuliyay Dayniile

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran oo guri-guri ah ka sameeyay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha Raadeerka iyo deegaano kale oo ku dhow halkaasi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 21, 2026, 2:20 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ciidamada dowladda oo howlgallo guri-guri ah ka fuliyay Dayniile
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran oo guri-guri ah ka sameeyay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha Raadeerka iyo deegaano kale oo ku dhow halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen guryo badan, iyagoo baaritaanno ku sameynayay hub sharci darro ah iyo arrimo la xiriira amniga. Qoysas badan ayaa la sheegay in si ku meel gaar ah looga saaray guryahooda inta ay socdeen baaritaannada.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in aan si rasmi ah loo xaqiijin wax hub ah oo laga helay guryihii la baaray. Ciidamada ayaa howlgalka kadib dib uga baxay xaafadaha ay ka sameeyeen baaritaanka.

Howlgalladan ayaa yimid kadib kulan amni oo maalin ka hor lagu qabtay degmada Dayniile, kaas oo ay ka qeybgaleen saraakiil booliis, xubno ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidamada booliiska militariga.

Guddoomiyaha degmada Dayniile, Cabdiraxmaan Macallin Xuseen, ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xoojinta ammaanka degmada iyo guud ahaan magaalada Muqdisho, maadaama la filayo munaasabado iyo fasaxyo soo socda.

“Ujeeddada ugu weyn ee howlgallada guri-guriga ah waxay ahayd xoojinta ammaanka caasimadda, gaar ahaan Dayniile,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada, isagoo xusay in tallaabooyinkaasi looga hortagayo falal amni darro iyo weerarro ay geystaan kooxo hubeysan.

Dhanka kale, degmada Dayniile ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay laga soo sheegayay xiisado u dhexeeya ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka. Dadka deegaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay inay wadaan howlgallo iyo burburin dhulal ay bulshada sheegtay in loo asteeyay adeegyo guud.

Qaar kamid ah dibadbaxyadii ka dhacay degmada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii shacabka ay kasoo horjeesteen tallaabooyin la xiriiray burburinta dhulalkaasi.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.