• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay taageerada Puntland ee Somaliland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay taageerada Puntland ee Somaliland
Share

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si dadban u weeraray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kadib markii wafdi ka socday Puntland ay ka qayb-galeen munaasabaddii 18-ka May ee lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in aan taageerada qadiyadda Somaliland lagu heli karin faa’iido siyaasadeed ama cod doorasho, isaga oo carrabka ku adkeeyay in midnimada Soomaaliya ay tahay arrin qaran oo aan loo adeegsan karin dano siyaasadeed.

Cali Xoosh ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta isku dayaya inay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta Soomaaliya aysan ku guuleysan doonin himilooyinkooda siyaasadeed. Wuxuu tilmaamay in shacabka ku nool deegaannada Waqooyi Bari aysan aqbali doonin in rabitaankooda siyaasadeed la hoos geeyo dano kale.

“Qofna guul siyaasadeed kuma gaarayo, Soomaalina cod siyaasadeed kagama kasban karo qof buun-buuninaya kala goynta Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka oo hadal culus jeediyay.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii wafdi dhaqameed uu hoggaaminayay Yaasiin Muuse Boqor ay ka qayb-galeen dabaal deggii 18-ka May ee Somaliland. Wafdigaasi ayaa sheegay inay ixtiraam u hayaan jiritaanka Somaliland, ayna Puntland taageersan tahay qadiyadda maamulkaasi, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadlay hadalka wafdigaasi, iyadoo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo shacabka ay u arkeen mid sii hurin karta khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland ayaa sii xoogeysanayay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka dalka, wax ka beddelka dastuurka iyo awood qaybsiga siyaasadeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.