• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Safiirkii hore ee Turkiga oo soo jeediyay 10 qodob oo xal u ah xiisadda Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Safiirkii hore ee Turkiga oo soo jeediyay 10 qodob oo xal u ah xiisadda Soomaaliya
Share

Wararka24: Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa soo bandhigay 10 qodob oo uu sheegay inay gacan ka geysan karaan xal u helidda xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, kadib muranka ka dhashay muddo xileedka dowladda federaalka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Diblomaasigan hore ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, kadib markii ay mucaaradka diideen fasiraadda dowladda ee ku aaddan muddo xileedka cusub ee hay’adaha dowladda.

Qodobada uu soo jeediyay waxaa kamid ah in Dowladda Federaalka iyo mucaaradku ay ku heshiiyaan magacaabista Ra’iisul Wasaare madax-bannaan oo aan isu soo sharxi doonin xilka madaxweynaha, si loo helo kalsooni siyaasadeed iyo maamul dhexdhexaad ah.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la dhiso xukuumad loo dhan yahay oo maamusha arrimaha dowladda inta lagu jiro marxaladda kala guurka, islamarkaana diyaarinaysa doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.

Qodobada kale waxaa kamid ahaa dhismaha guddi doorasho oo madax-bannaan, diyaarinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, dejinta jadwal doorasho oo daah-furan iyo in Soomaaliya si tartiib ah ugu guurto nidaamka doorashada qof iyo cod.

Safiirkii hore ee Turkiga ayaa sidoo kale ku baaqay in Baarlamaanka cusub uu doorto madaxweynaha marka la soo dhammeeyo doorashooyinka, halka hay’adaha cusubna laga doonayo inay sii wadaan dhammaystirka dastuurka dalka iyadoo loo marayo wada-tashi qaran.

Wuxuu uga digay dhammaan dhinacyada inay qaataan go’aanno hal dhinac ah ama hadallo kicin kara xiisadda siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta bulshada, isagoo ku booriyay saaxiibbada caalamka inay dhiirrigeliyaan wadahadal iyo tanaasul siyaasadeed.

Sidoo kale, diblomaasigan ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar muuqda sameysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay, inkastoo ay jireen caqabado badan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in horumarkaasi lagu ilaalin karo oo keliya wada-hadal, is-qancin iyo siyaasad loo dhan yahay.

Qoraalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay fashilmeen wada-hadalladii dowladda federaalka iyo mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.