Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo dalbaday isbeddel lagu sameeyo xilka ra’iisul wasaaraha

Warar laga helayo ilo siyaasadeed oo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka Soomaaliya ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xilka ra’iisul wasaaraha loogu magacaabo shaqsi dhex-dhexaadnimo qaadan kara, isla markaana ka madax-bannaan madaxtooyada.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 15, 2026, 11:10 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo dalbaday isbeddel lagu sameeyo xilka ra’iisul wasaaraha
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar laga helayo ilo siyaasadeed oo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka Soomaaliya ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xilka ra’iisul wasaaraha loogu magacaabo shaqsi dhex-dhexaadnimo qaadan kara, isla markaana ka madax-bannaan madaxtooyada.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay rumeysan yihiin in ra’iisul wasaare cusub oo dhexdhexaad ah uu fududeyn karo wada-hadallada siyaasadeed iyo xal u helidda muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo kala guurka dalka.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay dood sharci iyo siyaasadeed, maadaama mucaaradka laftiisu uu ku doodayo in muddo xileedka dowladda federaalka uu ku egyahay 15-ka May, taas oo su’aal gelinaysa sida ay suuragal ku noqon karto in madaxweynaha magacaabo ra’iisul wasaare cusub, isla markaana baarlamaanku ansixiyo.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahan ay si gaar ah u taageerayaan madaxda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la tilmaamay inay doonayaan hannaan siyaasadeed oo lagu dhiso xukuumad ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.

Sidoo kale, waxaa jira warar hoose oo tilmaamaya in laga yaabo in lagu heshiiyo dhismaha xukuumad ku meel gaar ah oo ay si wadajir ah ugu lug yeeshaan dowladda iyo mucaaradka, si looga gudbo xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in wakiillo ka socda Mareykanka iyo Ingiriiska ay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyaga oo ku boorriyay dhinacyada inay heshiis ka gaaraan masiirka dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diblomaasiyiintaasi ay ka digeen in haddii aan xal siyaasadeed la gaarin, beesha caalamka ay qaadi karto go’aanno la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

3 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

3 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

4 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

4 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.