Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Warar laga baahiyay weeraro Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku qaadeen Iiraan

Warar ay baahiyeen warbaahinno caalami ah ayaa sheegaya in dalalka Saudi Arabia iyo United Arab Emirates ay weeraro qarsoodi ah ku qaadeen gudaha Iran intii uu socday dagaalka ka aloosan Bariga Dhexe.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 13, 2026, 11:41 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Warar laga baahiyay weeraro Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku qaadeen Iiraan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Warar ay baahiyeen warbaahinno caalami ah ayaa sheegaya in dalalka Saudi Arabia iyo United Arab Emirates ay weeraro qarsoodi ah ku qaadeen gudaha Iran intii uu socday dagaalka ka aloosan Bariga Dhexe.

Sida lagu sheegay warbixinno laga soo xigtay saraakiil reer Galbeed ah iyo ilo Iiraaniyiin ah, duqeymaha ayaa la sheegay inay ahaayeen jawaab looga falcelinayay weeraro hore oo Iiraan ay ku qaaday dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudi Carabiya.

Wararka ayaa tilmaamay in duqeymahaasi ay dhaceen dabayaaqadii bishii Maarso, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin goobaha lagu bartilmaameedsaday gudaha Iiraan. Dowladda Sacuudiga iyo dowladda Iiraan ayaan si toos ah uga hadlin jiritaanka weeraradan.

Wargeyska Reuters ayaa sheegay inuusan si madax-bannaan u xaqiijin karin goobaha la duqeeyay ama khasaaraha ka dhashay weeraradaasi. Sidoo kale warbaahinta The Wall Street Journal ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta uu isna fuliyay weeraro ka dhan ah Iiraan.

Xiisadda gobolka ayaa sii korortay kadib dagaal la sheegay inuu billowday dhammaadkii bishii Febraayo, markaas oo Mareykanka iyo Israa’iil ay weeraro ku qaadeen gudaha Iiraan. Tan iyo markaas, Iiraan ayaa lagu eedeeyay inay gantaallo iyo diyaarado drone ah ku weerartay dalal kamid ah Khaliijka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dadaallo diblomaasiyadeed ay socdeen si loo dejiyo xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Iiraan. Ilo wareedyo ayaa sheegay in labada dal ay yeesheen wada-hadallo hoose oo looga gol lahaa in laga hortago dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa.

Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa sanadihii dambe dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib heshiis ay dhexdhexaadisay dowladda China sanadkii 2023. Heshiiskaasi ayaa qayb ka ahaa dadaallo lagu yareynayay xiisadaha gobolka.

Khubarada siyaasadda gobolka ayaa ka digaya in sii socoshada weerarada iyo colaadaha ay khatar ku yihiin amniga Bariga Dhexe iyo dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan isu socodka shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

31 minutes ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

45 minutes ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

59 minutes ago
Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

1 hour ago
QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

7 hours ago
Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

8 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

8 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

9 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.