• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, June 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
NISA

Wararka Ugu Aqrintabadan

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

10 hours ago
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

10 hours ago
Load More
Share

NISA
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay burburisay buundo macmal ah oo kooxda Al-Shabaab ay dhowaan ka dhistay deegaanka Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Buundadan ayaa kooxda u ahayd marin muhiim ah oo ay u adeegsan jireen dhaqdhaqaaqyadooda militari, gaar ahaan gudbinta dagaalyahannada iyo gaadiidka ay ku weerari jireen deegaannada gobolka.

Buundadan, oo laga dhisay kunteenarro iyo biro shub ah, waxay ku taallay meel u dhow deegaanka Oobaale oo uu maro Webiga Shabeelle, halkaas oo hoos tagta Degmada Mahadaay.

Sida xogaha la helay ay muujinayaan, buundadan waxaa dhismaheeda la dhammeystiray bishii hore ee February, waxyar ka hor inta aysan Al-Shabaab isku dayin inay ku fidaan deegaano horey uga xoroobay gacantooda.

Yaa garab kusiiyey NISA qorshahaan burburinta buundadaas?

NISA

War rasmi ah oo ka soo baxay NISA Sida ay cadeeysay Casimada ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadooda, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen Oobaale lagu burburiyay buundadaasi, taasoo ay kooxdu u adeegsan jirtay in ay isku xiraan aagagga ay kaga sugan yihiin gobolka.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay buundadan u dhisteen si ay uga faa’iidaystaan dhaqdhaqaaqyadooda militari, balse burburinteeda ay cadaadis dheeraad ah ku kordhin doonto kooxda. Sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA, duqeynta waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay isticmaalayeen.

Milatariga Soomaaliya ayaa dhowaan ogaaday halista buundadas, kadib markii ay heleen xog muhiim ah oo ay la wadaageen dadka deegaanka. Burburinteeda ayaa qeyb ka ah howlgallo ballaaran oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo dagaalka looga hortagayo uu xoogeystay maalmahan.

Muddo dheer, Al-Shabaab ayaa burburinayay buundooyinka ay adeegsadaan ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, si ay u carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo sahayda dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, tani waa markii ugu horreysay oo la burburiyo buundo ay iyagu dhiseen, taasoo caqabad hor leh ku noqon doonta isku socodkooda iyo qorshahooda dagaal ee gobolka.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in la xoojinayo duqeymaha iyo howlgallada lagu beegsanayo meelaha ay Al-Shabaab ka helaan taageerada iyo marinnada istiraatiijiga ah ee ay u adeegsadaan dagaalka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii socda ee dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ku wiiqayaan awoodda Al-Shabaab, si looga hortago in kooxdaasi dib uga soo kabato deegaannada laga xoreeyay.

Dhanka kale, hoggaamiye ku-xigeenkii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Yuusuf Dhegnaas, ayaa lagu dilay duqayn kale oo ka dhacday aagga degmada Ruun-Nirgood xalay fiidkii.


Share
Tags: Dowladda SoomaaliyaNISAwararka mantawararka somalia
Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

Next Post

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

Related Posts

Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

by Amin Cali Abdi
9 hours ago

Wararka24: Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gobolka, kadib duqaymo uu...

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

by Amin Cali Abdi
10 hours ago

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay agaasimihii hore...

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

by Amin Cali Abdi
10 hours ago

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad...

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

by Amin Cali Abdi
10 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi heer wasiir ah u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,...

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

by Amin Cali Abdi
14 hours ago

Wararka24: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa magacaabay Maxamed Yahya inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

by Amin Cali Abdi
15 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay fuliyeen duqeymo...

Load More
Next Post
Hirshabelle

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kulan Afur ah la Qaatay Culimada Soomaaliyeed + SAWIRO

Al-Shabaab

Faahfaahin: Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay sameynayeen, Deegaanka Laba Garas

Recommended

Eritrea oo noqotay xudunta loollanka cusub ee Badda Cas

Eritrea oo noqotay xudunta loollanka cusub ee Badda Cas

1 month ago
Kenya

Waalidiin Soomaaliyeed oo Carruurtooda u Dira Xerooyin dhaqan-celin Tacaddiyo ka Dhacaan oo Ku Yaalla Soomaaliya iyo Kenya.

5 months ago
Safarka Cirro ee Imaaraadka oo hadal-heyn dhaliyay

Safarka Cirro ee Imaaraadka oo hadal-heyn dhaliyay

2 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

4 weeks ago
NISA

NISA oo fulisay howlgal lagu laayey Horgoogayaal katirsan shabaab..

1 year ago
degmada Eyl

Puntland oo Xalisay Xiisad Ka Jirtay Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

1 year ago
Safiirka Soomaaliya ee Nigeria oo waraaqaha aqoonsiga si rasmi ah u gudbiyay

Safiirka Soomaaliya ee Nigeria oo waraaqaha aqoonsiga si rasmi ah u gudbiyay

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.