• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Beesha caalamka oo mucaaradka ku cadaadineysa wadahadalka Xasan Sheekh

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Beesha caalamka oo mucaaradka ku cadaadineysa wadahadalka Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Mucaaradka Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis diblomaasiyadeed oo sii kordhaya, kadib markii Beesha caalamka ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen gogosha wadahadal ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud. Casuumaaddan ayaa la xiriirta kulanka la qorsheeyay 10-ka May, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka, dowlad-dhiska iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhammaantood muujiyay taageerada ay u hayaan dadaallada wadahadalka, iyagoo ku baaqay in dhinacyada siyaasadda ay ka qeyb galaan wada-hadal miro dhal ah.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in loo baahan yahay jawi wadahadal iyo is-afgarad lagu wajaho xaaladda siyaasadeed ee cakiran. Waxay xustay in Midowga Yurub diyaar u yahay taageeridda dadaallada lagu garaya is afgarad.

Sidoo kale, howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa ku celiyay in xilligan xasaasiga ah wadahadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu gaari karo xasillooni siyaasadeed iyo heshiis qaran.

Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya mowqifkooda ah in muddo-xileedka madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May, iyagoo ka digay muddo-kordhin aan heshiis siyaasadeed lagu dhisin. Waxay sidoo kale sheegeen inay dhowaan soo bandhigi doonaan hannaan doorasho oo ay u arkaan mid dalka lagu maamuli karo.

Kulanka 10-ka May ayaa hadda loo arkaa mid go’aan ka gaari kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay isha ku hayaan waxa kasoo bixi doona wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.