• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo shuruudo ku xiray gogoshii Xasan Sheekh

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo shuruudo ku xiray gogoshii Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Mucaaradka Soomaaliya ayaa shuruudo cad ku xiray gogoshii wadahadalka ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu wado in lagu dajiya xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in mucaaradku diyaar u yihiin ka qeyb-galka shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, balse ay ku xireen saddex qodob oo ay ku tilmaameen kuwo aas-aasi ah.

Qodobada ay soo bandhigeen ayaa waxaa kamid ah in la joojiyo doorashooyinka ay ku tilmaameen sharci-darro ee ka socda dowlad-goboleedyada, in dib looga laabto wax-ka-beddelkii dastuurka ee dhowaan la ansixiyay, iyo in madaxweynaha uu caddeeyo inuusan sharci ahaan sii joogi karin xilka wixii ka dambeeya 15-ka May haddii aan dib loo dooran.

Shuruudahan ayaa kusoo baxay saacado un kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay kulan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ah oo lagu balansan yahay 10-ka May, kaas oo dowladda sheegtay in looga hadlayo arrimaha siyasada ah ee dalka.

Bayaan kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka uu salka ku hayo baahida loo qabo wadahadal furan, daah-furan iyo is-qancin siyaasadeed si xal loogu helo muranka doorashooyinka iyo jihada dowlad-dhiska.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in dowladdiisu ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka, xoojinta dowladnimada iyo dhismaha hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir iyo is-afgarad.

Muran xooggan ayaa weli ka taagan hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo mucaaradka iyo dowladda ay isku hayaan sharciyadda geeddi-socodka siyaasadeed iyo dastuurka. Dalka ayaa hadda ku wajahan sida ay dhinacyadu uga falcelin doonaan gogosha wada hadalka.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.