Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xog: Kulamo xasaasi ah oo xalay ka dhacay Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa xalay ka dhacay kulan xasaasi ah oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan isbeddelkii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 16, 2026, 10:59 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Xog: Kulamo xasaasi ah oo xalay ka dhacay Villa Somalia
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxaa xalay ka dhacay kulan xasaasi ah oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan isbeddelkii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xamza Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana la sheegay inuu ku soo dhammaaday jawi deggan.

Sida ay wararku sheegayaan, kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, halka ay ka maqnaayeen xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowladda, taasoo muujinaysa kala duwanaansho aragtiyeed oo jira.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulanka lagu go’aamiyay musharraxa ay dowladdu ku taageeri doonto doorashada Koonfur Galbeed, iyadoo la tilmaamay in Aadan Madoobe loo xushay inuu matalo Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka.

Go’aankan ayaa la filayaa inuu dhaliyo dood iyo khilaaf gudaha ah, maadaama maalmahan uu jiray loollan siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan cidda hoggaamin doonta maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Villa Somalia ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa dib-u-dhiska maamulka Koonfur Galbeed, kadib isbeddelkii ka dhacay Baydhaba, iyadoo la magacaabay hoggaan ku-meel-gaar ah oo sii wada howlaha maamulka.

Xaaladdan ayaa kusoo aadeysa xilli uu dalka wajahayo jahwareer siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, taasoo sii kordhin karta xiisadaha u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

9 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

9 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.