Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay bannaanka magaalada Baydhaba, kaas oo dhex-maray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 9, 2026, 3:53 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay bannaanka magaalada Baydhaba, kaas oo dhex-maray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo roondo amni ku jiray ay la kulmeen maleeshiyaad ku sugnaa aagga, taasoo sababtay iska hor imaad toos ah oo socday muddo kooban.

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalka, sida ay warbaahinta u sheegeen ehellada qaar kamid ah askarta.

Sidoo kale, meydadka askarta dhimatay ayaa la sheegay in loo soo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo aas loogu sameynayo.

Dhanka kale, wararka ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay iyaguna soo gaareen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn tirada.

Xaaladda deegaanka ayaa saaka deggan, waxaana weli aan jirin wax war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda oo ku saabsan dagaalkaasi.

Dagaalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan howl-gallada militari ee ka socda gobolka Baay, iyadoo dowladda ay ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Baydhaba iyo deegaannada ku xeeran.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

7 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

7 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.