Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Villa Somalia oo faah faahisay qorshaha Xasan Sheekh ee Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa weli ku sugan magaalada Baydhaba, halkaas oo ay ka wadaan kulamo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 6, 2026, 11:13 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Villa Somalia oo faah faahisay qorshaha Xasan Sheekh ee Koonfur Galbeed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa weli ku sugan magaalada Baydhaba, halkaas oo ay ka wadaan kulamo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

Masuuliyiinta ku sugan magaalada waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiirro iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada maamulkaas.

Afhayeenka Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, ayaa sheegay in madaxweynaha uu kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo amniga iyo wada shaqeynta.

Wuxuu xusay in qorshaha dowladda uu yahay dardargelinta hanaanka doorashooyinka, iyadoo la doonayo in doorashooyin laga qabto Koonfur Galbeed kadib tii hore ee ka dhacday Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in magacaabista hoggaamiye kumeel gaar ah ay timid kadib markii uu meesha ka baxay maamulkii hore, si loo helo maamul hagaya marxaladda kala guurka.

Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka kumeel gaarka ah uusan ahayn mid waqti dheer sii jiri doona, balse uu yahay mid fududeynaya amniga iyo geeddi socodka doorashada.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in xaaladda amni ee Baydhaba ay hadda soo hagaagayso, kadib markii ciidamada ammaanka ay qabqabteen dad lagu eedeeyay falal amni darro.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.