Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo adkeysay amniga Muqdisho ka hor 15-ka May

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u adkeysay amniga caasimadda Muqdisho iyo agagaarkeeda, iyadoo diiradda la saarayo kontoroollada laga soo galo magaalada. Tallaabadan ayaa timid ka hor 15-ka May oo ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 2, 2026, 5:10 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Soomaaliya oo adkeysay amniga Muqdisho ka hor 15-ka May
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u adkeysay amniga caasimadda Muqdisho iyo agagaarkeeda, iyadoo diiradda la saarayo kontoroollada laga soo galo magaalada. Tallaabadan ayaa timid ka hor 15-ka May oo ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa.

Ilo amni ayaa sheegay in Taliska Booliska uu ciidamo dheeraad ah geeyay kontoroollada bannaanka Muqdisho, si loo xoojiyo amniga iyo kormeerka gaadiidka soo galaya. Sidoo kale waxaa la xoojiyay joogitaanka ciidamada meelaha istaraatiijiga ah.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamo lagu kordhiyay degmooyinka Balcad iyo Afgooye, si looga hortago dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iman kara Muqdisho. Tani waxay qayb ka tahay qorshe amni oo ballaaran oo dowladda Federaalka ay waddo.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa faray saraakiisha in ay adkeeyaan amniga kontoroollada, isla markaana si buuxda loo dhaqan geliyo habraacyada kormeerka gaadiidka. Waxa uu sidoo kale ku adkeeyay xog-wadaagga hay’adaha amniga.

Dhinaca kale, xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa kacsan, iyadoo mucaaradka ay wadaan kulamo ku saabsan 15-ka May oo ay ku tilmaameen dhammaadka muddo-xileedka dowladda. Dowladda ayaa ka digtay in wax rabshado ah ay ka dhacaan magaalada.

Xiisadda hadda jirta ayaa lagu xusuustaa dhacdooyinkii April 2021, markii Muqdisho ay ka dhaceen dagaallo siyaasadeed oo sababay in laga laabto muddo-kororsi. Shacabka Muqdisho iyo odayaasha qaar ayaa hadda ku baaqaya xasillooni iyo wada hadal.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.