• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga
Share

maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga
Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud

Wararka24: Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ka dhawaajiyay caqabadaha adag ee hortaagan xal u helidda maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga, kuwaas oo qaarkood wajahayaan xukun dil ah.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aalo la xiriira dadaallada dowladda ee ku aaddan maxaabiistan, gaar ahaan dhalinyarada lagu xukumay dilka, ayaa xusay in arrintani aysan si fudud u xallismi karin. Wuxuu tilmaamay in Sacuudiga yahay dal leh sharciyo madax bannaan, isla markaana aanay jirin heshiis rasmi ah oo labada dowladood u dhaxeeya arrintan.

“Sacuudigu waa dal madax bannaan sida Turkiga iyo kuwa kale. Xalka kaliya ee suurtagalka ah waa in la helo heshiis iskaashi oo rasmi ah,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii heshiis rasmi ah loo gaari lahaa, taasoo suuragelin karta in si sharci ah wax looga qabto xaaladda maxaabiista. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaa heshiis la gaaro, aanay dowladda Soomaaliya awood rasmi ah u lahayn inay farageliso go’aannada maxkamadaha Sacuudiga.

“Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis rasmi ah, waxaana bilownay wada-hadallo muhiim ah oo arrintan la xiriira,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.

Dad ku xirnaa xabsiyada Sacuudiga ee horay loo Xukumay?

maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga
Aragtida guud ee xabsiyada Sacuudiga Julaay 6, 2015. REUTERS/Faisal Al Nasser

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii Sacuudiga uu 16-kii Febraayo fuliyay xukun dil ah oo lagu riday nin Soomaali ah, kaasoo ka mid ahaa 45 maxbuus oo lagu helay dambiyo la xiriira in dalka galiyeen mukhaadaraad.

Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay wadahadallo la leedahay hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay (UNHCR) iyo Iskaashiga Bisha Cas, si maxaabiista Soomaaliyeed loo siiyo gargaar bini’aadamnimo iyo taageero sharciyeed.

Warbixin laga soo xigtay warbaahinta dowlada faransiiska ee France24 ayaa muujisay in sanadkan 2024, dalkaasi uu fuliyay 338 xukun oo dil ah, kuwaas oo ay ku jiraan 117 kiis oo la xiriira dambiyada daroogada ee dhamaan kuxirnaa xabsiyada Sacuudiga.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.