• About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, August 24, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga
Share

maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga
Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud

Wararka24: Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ka dhawaajiyay caqabadaha adag ee hortaagan xal u helidda maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga, kuwaas oo qaarkood wajahayaan xukun dil ah.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aalo la xiriira dadaallada dowladda ee ku aaddan maxaabiistan, gaar ahaan dhalinyarada lagu xukumay dilka, ayaa xusay in arrintani aysan si fudud u xallismi karin. Wuxuu tilmaamay in Sacuudiga yahay dal leh sharciyo madax bannaan, isla markaana aanay jirin heshiis rasmi ah oo labada dowladood u dhaxeeya arrintan.

“Sacuudigu waa dal madax bannaan sida Turkiga iyo kuwa kale. Xalka kaliya ee suurtagalka ah waa in la helo heshiis iskaashi oo rasmi ah,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii heshiis rasmi ah loo gaari lahaa, taasoo suuragelin karta in si sharci ah wax looga qabto xaaladda maxaabiista. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaa heshiis la gaaro, aanay dowladda Soomaaliya awood rasmi ah u lahayn inay farageliso go’aannada maxkamadaha Sacuudiga.

“Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis rasmi ah, waxaana bilownay wada-hadallo muhiim ah oo arrintan la xiriira,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka.

Dad ku xirnaa xabsiyada Sacuudiga ee horay loo Xukumay?

maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga
Aragtida guud ee xabsiyada Sacuudiga Julaay 6, 2015. REUTERS/Faisal Al Nasser

Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii Sacuudiga uu 16-kii Febraayo fuliyay xukun dil ah oo lagu riday nin Soomaali ah, kaasoo ka mid ahaa 45 maxbuus oo lagu helay dambiyo la xiriira in dalka galiyeen mukhaadaraad.

Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay wadahadallo la leedahay hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay (UNHCR) iyo Iskaashiga Bisha Cas, si maxaabiista Soomaaliyeed loo siiyo gargaar bini’aadamnimo iyo taageero sharciyeed.

Warbixin laga soo xigtay warbaahinta dowlada faransiiska ee France24 ayaa muujisay in sanadkan 2024, dalkaasi uu fuliyay 338 xukun oo dil ah, kuwaas oo ay ku jiraan 117 kiis oo la xiriira dambiyada daroogada ee dhamaan kuxirnaa xabsiyada Sacuudiga.


Share
Tags: mudisho somaliawararka mantawararka somaliaWasiirka Caddaaladda
Previous Post

Internet-ka ee Soomaaliya oo ay Cilad kutimid + Sababta iyo mesha ay wax marayaan?

Next Post

Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Buqdhaarkeyn?

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

by Yasmin Jamal
August 24, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan dalka Shiinaha, safar lagu sheegay inuu qayb ka...

Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Wasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda...

Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Dr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo...

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

by Abdirahman Dahir
August 23, 2025

Marwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay...

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Waxaa markale cirka isku shareeray hadal-haynta siyaasadda Soomaaliya, kadib markii Wasiirka Difaaca, Axmed Macallim Fiqi, uu weerar afka...

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa si adag uga falceliyey hadalkii uu Wasiirka Arrimaha...

Next Post
Cabdiraxmaan Cirro

Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Buqdhaarkeyn?

Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

NISA

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

Recommended

hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe

Gobolada Dhexe Waxaa dib u bilowday Hawlgalkii Weynaa ka dhanka khawarijinta Malinti 2aad..

6 months ago
maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

6 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 month ago
NISA

Sarkaal Katirsanaa NISA oo Fahad udhawa & khubaro cadaan ah, oo Qorshe Culus kawada Somaliland + Fahfahin?

4 months ago
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud

MD Xasan Sheekh Qof naga maqan oo lasugayo malahan, Anigana Waa I Kanaa!

5 months ago
Taliyaha Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqasho ku jooga Talyaaniga

1 month ago
Cabdiweli Gaas

Puntland iyo maamulka cusub: Gaas oo baaq muhiim ah soo saaray

3 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.