• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciribtirka Daacish Intu maraya: Kadib Toddobaadkii labaad Marki uu Md DENI Ku Dhawaqay Wejiga saddexaad ee hawlgalka

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan
Share

Hawlgalka ciribtirka Daacish
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ciribtirka Daacish ee Puntland

Wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish ee Puntland ayaa galay toddobaadkiisii labaad, kaddib markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu 27-kii February si rasmi ah ugu dhawaaqay in hawlgalku bilaabanayo.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si qoto dheer ugu sii fidaya dhulka buuraleyda ah ee galbeedka Calmiskaad, halkaas oo ay kula dagaalamayaan Daacish, iyagoo isku dayaya in ay gebi ahaanba ka sifeeyaan gobolka Bari.

Sidoo kale, ciidamadu waxay hawlgal kale ka wadaan bartamaha Calmiskaad, halkaas oo dhawaan laga saaray kooxaha argagixisada. Wararka la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyo tiro yar oo ka mid ah Daacish ay isku dayayaan inay dib ugu soo laabtaan deegaanka Tog-jaceyl, iyagoo doonaya inay carqaladeeyaan hawlgalka socda.

Ciidamada Puntland ayaa dhowaan daabulay cutubyo ka mid ah Daraawiishta oo ka howlgalaya bartamaha Calmiskaad, kuwaas oo raadinaya maleeshiyadaasi si ay u sugaan nabadda. Kabtan Raage Ciiro Qacle, oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka, ayaa sheegay in xubnaha isku dayaya inay dhulka miino geliyaan lagu burburin doono goob kasta oo ay ku dhuuntaan.

Xalay ayay Puntland shaacisay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Daacish, kaas oo laga qabtay deegaanka Buruc ee hoostaga degmada Qandala. Baaritaan ayaa haatan ku socda shakhsigaasi.

Hawlgalka ciribtirka Daacish ayaa ahmiyad weyn u leh Puntland, iyada oo la doonayo in si buuxda looga suuliyo kooxaha argagixisada ee ku sugan deegaannada buuraleyda ah.

hawlgalka ciribtirka Daacish
Ciidanka Daraawiishta Puntland, ciribtirka Daacish ee Puntland

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in hawlgalku uu si guul ah u socdo, isla markaana la fulinayo amarkii Madaxweyne Siciid Deni ee ahaa in la qabto ama la cirib tiro dagaalyahannada Daacish.

Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), ayaa xusay in ciidamada difaaca Puntland ay ku taagan yihiin dariiqa lagu soo afjari lahaa kooxda Daacish, taas oo hoos u dhigtay awooddii militari ee kooxdaasi ku lahayd gobolka.

Ciidamada Puntland ayaa si joogto ah ugu sii fidaya deegaannada ay ku harsan yihiin kooxaha Daacish ee ka dagaallama buuraleyda Bari, iyagoo dadaal ugu jira in ay gebi ahaanba burburiyaan.


Share

Recommended

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

DF oo ka oo fashilisay abaabul ay Al-Shabaab ka wadeen laba gobol

7 months ago

Faransiiska iyo Talyaaniga oo xiriir diblomaasiyadeed la sameeyay Iiraan

7 months ago
Dowladda Federaalka Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Waddada udhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, Cidamo Badan Udirtay + Sababta

2 years ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Hoggaanka Xisbiyada Siyaasadda

1 year ago
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

1 year ago
Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Daa’uud Suldaan Cabdiqaadir oo Nabad isla qaatey iyago ka kala socda somaliland iyo khaatumo 

1 year ago
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

2 years ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.