• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, October 14, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciribtirka Daacish Intu maraya: Kadib Toddobaadkii labaad Marki uu Md DENI Ku Dhawaqay Wejiga saddexaad ee hawlgalka

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan
Share

Hawlgalka ciribtirka Daacish
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ciribtirka Daacish ee Puntland

Wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish ee Puntland ayaa galay toddobaadkiisii labaad, kaddib markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu 27-kii February si rasmi ah ugu dhawaaqay in hawlgalku bilaabanayo.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si qoto dheer ugu sii fidaya dhulka buuraleyda ah ee galbeedka Calmiskaad, halkaas oo ay kula dagaalamayaan Daacish, iyagoo isku dayaya in ay gebi ahaanba ka sifeeyaan gobolka Bari.

Sidoo kale, ciidamadu waxay hawlgal kale ka wadaan bartamaha Calmiskaad, halkaas oo dhawaan laga saaray kooxaha argagixisada. Wararka la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyo tiro yar oo ka mid ah Daacish ay isku dayayaan inay dib ugu soo laabtaan deegaanka Tog-jaceyl, iyagoo doonaya inay carqaladeeyaan hawlgalka socda.

Ciidamada Puntland ayaa dhowaan daabulay cutubyo ka mid ah Daraawiishta oo ka howlgalaya bartamaha Calmiskaad, kuwaas oo raadinaya maleeshiyadaasi si ay u sugaan nabadda. Kabtan Raage Ciiro Qacle, oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka, ayaa sheegay in xubnaha isku dayaya inay dhulka miino geliyaan lagu burburin doono goob kasta oo ay ku dhuuntaan.

Xalay ayay Puntland shaacisay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Daacish, kaas oo laga qabtay deegaanka Buruc ee hoostaga degmada Qandala. Baaritaan ayaa haatan ku socda shakhsigaasi.

Hawlgalka ciribtirka Daacish ayaa ahmiyad weyn u leh Puntland, iyada oo la doonayo in si buuxda looga suuliyo kooxaha argagixisada ee ku sugan deegaannada buuraleyda ah.

hawlgalka ciribtirka Daacish
Ciidanka Daraawiishta Puntland, ciribtirka Daacish ee Puntland

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in hawlgalku uu si guul ah u socdo, isla markaana la fulinayo amarkii Madaxweyne Siciid Deni ee ahaa in la qabto ama la cirib tiro dagaalyahannada Daacish.

Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), ayaa xusay in ciidamada difaaca Puntland ay ku taagan yihiin dariiqa lagu soo afjari lahaa kooxda Daacish, taas oo hoos u dhigtay awooddii militari ee kooxdaasi ku lahayd gobolka.

Ciidamada Puntland ayaa si joogto ah ugu sii fidaya deegaannada ay ku harsan yihiin kooxaha Daacish ee ka dagaallama buuraleyda Bari, iyagoo dadaal ugu jira in ay gebi ahaanba burburiyaan.


Share
Tags: Madaxweynaha PuntlandpuntlandSiciid Cabdullaahi Deniwararka mantawararka somalia
Previous Post

Macalin Mahdi: Qalqalgelinta amniga ma aqbalayno, qof walba waa lala xisaabtamayaa, xabsi madow ayuu galayaa!

Next Post

Diblomaasi Soomaaliyeed Oo Ku xiran xabsiga ku yaal Cloverhill ee Ireland + SABABTA?

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Cali Jeyte

Cali Jeyte oo ka hadlay dilka horjooge Cali Qoyane..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Beledweyne – Cali Jeyte Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleyda, ayaa sheegay in dilka horjoogihii Al-Shabaab Cali...

Dagaal culus

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Daacish oo Malinti labaad Socda, Maxa Cusub?

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Boosaaso – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxaha Daacish ayaa galay maalintiisii labaad, kadib...

Xasan Sheekh

Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay ku Saxan-tahay doonista marin-badeed..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu yahay...

Puntland

Puntland oo nin u dhashay turkiga gacanta kuso dhigtay..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Boosaaso – Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan,...

LIVE: Wararka maanta

LIVE: Wararka maanta Wararka24 Gudaha soomalia iyo caalamka si toos ah 247

by Amran Mahad
October 14, 2025

Wararka maanta gudaha Soomaaliya iyo caalamka oo toos ah. Warar degdeg ah, faahfaahsan, iyo xog sugan oo ka...

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Next Post
diblomaasi Soomaaliyeed

Diblomaasi Soomaaliyeed Oo Ku xiran xabsiga ku yaal Cloverhill ee Ireland + SABABTA?

Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaadis Weyn Kuhaayo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka?

internet-ka

Internet-ka ee Soomaaliya oo ay Cilad kutimid + Sababta iyo mesha ay wax marayaan?

Recommended

DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?

DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?

3 weeks ago
Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweyne Deni oo Safar Diblomaasiyadeed Ku Tegay Itoobiya iyo Imaaraadka

5 months ago
Hotel Qaahira Beledweyne 2

Wararka24: Hotel Qaahira Al-Shabaab Oo Weli ka dhex dagaalamaya + faahfaahin dherad ah

7 months ago
Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

3 months ago
Mareykanka

Mareykanka Oo Dib U Bilaabay Fiisaha Ardayda Harvard

4 months ago
Shabaab

Wararka24: Weerarrada Al-Shabaab iyo daldaloolada amniga Soomaaliya

7 months ago
Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Iran oo Ku Adkaystay Inaanay Gorgortan Ka Gelin Barnaamijkooda Nukliyeerka ah.

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.