• About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, August 24, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Wasiirrada Oo Soo Saartay Go’aanno Culus, Digniin Adagna U Diray Shacabka + Faahfaahin

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
6 months ago
Reading Time: 3 mins read
Golaha Wasiirrada
Share

Golaha Wasiirrada
Shirki manta golaha wasirada Soomaaliya

Wararka24: Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa shir ay yeesheen, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac, waxa ay kasoo saareen go’aanno culus oo la xiriira sugidda amniga dalka.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyadoo la bogaadiyey guulaha ay soo hooyeen ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro argagixisada.

Go’aannada Ay Soo Saareen Golaha Wasiirrada

  1. Bogaadin Ciidan: Golaha Wasiirrada ayaa si weyn u bogaadiyey guulaha ay ciidamada Qaranka iyo ciidamada madaniga ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, iyagoo dhiirrigeliyey dadaallada socda.
  2. Mamnuucista Wararka Been Abuurka Ah: Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xusuusisay muwaadiniinta in ay mamnuuc tahay faafinta wararka been abuurka ah ee la xiriira amniga dalka, taasoo lagu baahiyo warbaahinta iyo baraha bulshada. Qofkii lagu helo fal noocan ah waxa uu wajahaya tallaabo sharci ah oo adag, waxaana lagu ciqaabi doonaa si waafaqsan sharciga dalka.
  3. Ciqaabta Dadka Ku Lug Yeelanaya Falal Argagixisanimo: Waxaa sidoo kale go’aanka lagu xusay in qof kasta oo u ogolaada in gurigiisa, goobtiisa ganacsi ama gaadiidkiisa lagu fuliyo falal amniga wax u dhimaya, lala tiigsan doono sharci adag. Sida ku cad xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada, qofkaas waxa uu la mid noqonayaa qof si toos ah uga qeyb qaatay falal argagixisanimo.
  4. Digniin Ku Socota Shacabka: DFS ayaa mar kale uga digtay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada iyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin argagixisada in ay si degdeg ah uga fogaadaan. Dowladda ayaa sare u qaaday howlgalka dhanka cirka iyo dhulka ah, si meesha looga saaro Khawaarijta banneysatay dhiigga shacabka.
  5. Xoojinta Amniga Garoonka Aadan Cadde: Dowladda ayaa sidoo kale go’aamisay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Laamaha amniga ayaa dhowaan faahfaahin ka bixin doona sida go’aankan loo dhaqan gelin doono.

Go’aannadan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo guulo muhiim ah laga gaaray gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. DFS ayaa horey u muujisay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐧𝐨 𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Muqdisho, Khamiis, 06 Maarso 2025:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare… pic.twitter.com/bg2JK7cLta

— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) March 6, 2025

Wararka manta

  • Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

    Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

    ShareRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan dalka Shiinaha, safar lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal. Socdaalkan ayaa ka…

    Sii Aqri


    August 24, 2025
  • Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

    Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

    ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu,…

    Sii Aqri


    August 23, 2025
  • Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

    Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

    ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka.   Dr.…

    Sii Aqri


    August 23, 2025

Share
Tags: Golaha WasiirradaGolaha Wasiirrada Soomaaliyawararka mantawararka somalia
Previous Post

Xaaladda Balcad Oo Kacsan: Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Weerarkii Al-Shabaab + SAWIRO

Next Post

Faransiiska Macron Oo Ka Digay Khatar Weyn,Yurub Waa Inay Is Difaacdo, Ruushkuna Waa Halis Weyn oo Soo Socota.

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

by Yasmin Jamal
August 24, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan dalka Shiinaha, safar lagu sheegay inuu qayb ka...

Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Wasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda...

Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Dr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo...

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

by Abdirahman Dahir
August 23, 2025

Marwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay...

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Waxaa markale cirka isku shareeray hadal-haynta siyaasadda Soomaaliya, kadib markii Wasiirka Difaaca, Axmed Macallim Fiqi, uu weerar afka...

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa si adag uga falceliyey hadalkii uu Wasiirka Arrimaha...

Next Post
Madaxweynaha Faransiiska Macron

Faransiiska Macron Oo Ka Digay Khatar Weyn,Yurub Waa Inay Is Difaacdo, Ruushkuna Waa Halis Weyn oo Soo Socota.

Ciidamada Amniga

Macalin Mahdi: Qalqalgelinta amniga ma aqbalayno, qof walba waa lala xisaabtamayaa, xabsi madow ayuu galayaa!

Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan

Ciribtirka Daacish Intu maraya: Kadib Toddobaadkii labaad Marki uu Md DENI Ku Dhawaqay Wejiga saddexaad ee hawlgalka

Recommended

Galmudug

Puntland oo Galmudug ugu mahad-cilisay soo qabashada Cabdiqani Sayloor.

4 months ago
maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

6 months ago
Helista muwaadannimada British-ka

Waxa manta La adkeeyay Helista Muwaadannimada British-ka

6 months ago
Mareykanka

Mareykanka Oo Dib U Bilaabay Fiisaha Ardayda Harvard

3 months ago
Ciidanka Suudaan

Ciidanka Suudaan oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee Khartuum

5 months ago
Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Iran oo Ku Adkaystay Inaanay Gorgortan Ka Gelin Barnaamijkooda Nukliyeerka ah.

3 months ago
Mudaaharaadyada Los Angeles

Mudaaharaadyada Los Angeles oo Sii Xoogeysanaya Maalintii Afraad + Faahfahin

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.