• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xaaladda Balcad Oo Kacsan: Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Weerarkii Al-Shabaab + SAWIRO

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 5 mins read
Degmada Balcad
Share

Balcad
Mas’uuliyiinTI Xali booqday degmada PHOTO Credit SNTV

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo adag oo ku aaddan xaaladda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Balcad ayaa toddobaadkii hore ay gudaha u soo galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab taas oo amnigeeda qalqal galisay.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin saraakiisha laamaha amniga, ayaa xalay gaaray degmada Balcad, halkaas oo ay ka sameeyeen kormeer ballaaran si ay ugu kuur galaan xaaladda amniga degmada.

Mas’uuliyiinta booqatay degmada waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Shaaweeye, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska Militariga.

Intii ay ku sugnaayeen Balcad, mas’uuliyiinta federaalka ayaa la kulmay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo kala hadlay xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xoojinayo difaaca magaalada.

Guddoomiye Maxamed Yabooh, oo si kooban ula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in kormeerka ay ku sameeyeen Balcad uu la xiriiray xoojinta amniga. Wuxuu xusay in xaalada degmada ay dagan tahay, isla markaana Balcad ay tahay mid ka mid ah meelaha muhiimka u ah difaaca caasimadda Muqdisho.

Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin khatar muuqata, isagoo uga digay dadka bulshada marin habaabinaya inay ka fogaadaan faafinta warar aan sal iyo raad lahayn.

“Dadka isku dayaya inay bulshada marin habaabiyaan haka digtoonaadaan, amniga Muqdisho, Afgooye iyo Balcad waa mid isku xiran,” ayuu yiri Yabooh.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Degmada Balcad, Qaasim Cali Nuur, oo soo dhaweeyay booqashada mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan.

“Al-Shabaab ma qabsan karto magaalada Balcad, wararka been abuurka ahna waa in la joojiyaa. Waxaan wadnaa howlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Tallaabadan ay qaaday dowladda federaalka ayaa kusoo beegmaysa xilli ay kooxda Al-Shabaab bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada dowladda iyo kuwa isbaheysanaya ayaa si buuxda u adkeeyay difaacyada si looga hortago isku dayga kooxda ee ah inay dib ugu soo laabtaan deegaanno horay looga saaray.

Al shabaab ayaa 20ka Febraayo lawareegtay Degmada Ceelbaraf ee Gobalba Shabeelada Dhexe Ciidamadii ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in ay isaga baxeen, ka dib markii ay ka war heleen in Shabaabka ay ku soo wajahan yihiin. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabku ay guryaha qaarkood kala baxeen tiro dad ah, iyadoo aan la ogeyn waxa dadkaasi ay ka damacsan yihiin..

Dowlada ayaa cadaadis xoogan saareysa al shabaab Howlgallo milatari oo qorshaysan ayaa si xooggan uga socda Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa difaaca shacabka ay hareereeyeen maleeshiyada Al-Shabaab ee dhowaan qabsaday magaalada.

degmada Balcad
Degmada Balcad

Wararka manta

  • NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

    NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

    ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in…

    Sii Aqri


    September 26, 2026
  • Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

    Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

    ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa…

    Sii Aqri


    September 26, 2026
  • Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

    Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

    ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu…

    Sii Aqri


    September 26, 2026

Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.