
Wararka24: Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho, sababo la xiriira digniinaha amni ee soo baxay.
Shirkaddu waxay rakaabkeeda ku wargelisay in aysan wax duulimaad ah sameyn doonin inta u dhexeysa 5-ta illaa 12-ka Maarso 2025. Maamulka Turkish Airlines ayaan weli si faahfaahsan u sharraxin sababta go’aankan, balse hakinta duulimaadyada ayaa lala xiriirinayaa digniino ay hay’adaha caalamiga ah ka soo saareen xaaladda amniga Soomaaliya.
Go’aankan Turkish Airlines ayaa yimid kadib markii safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Talaadadii soo saartay digniin rasmi ah oo ay ku sheegtay in ay hayso “xog la hubo” oo muujinaysa suurtagalnimada weerarro argagixiso oo dhici kara.
Bayaan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu xusay in khataraha la beegsan karo goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, dekedaha, xarumaha dowladda, hoteellada, suuqyada waaweyn, iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan. Waxaa sidoo kale la sheegay in weerarro lagu bartilmaameedsan karo kolonyo ciidan iyo saraakiil dowladeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa tan iyo bishii Luulyo 2024 ku haysay Soomaaliya heegan safar oo heer afaraad ah, taasoo uga digaysa muwaadiniinteeda in ay u safraan dalka sababo la xiriira khataraha argagixisada iyo xasillooni darrada.
Si kastaba ha ahaatee, hakinta duulimaadyada Turkish Airlines ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta rakaabka caalamiga ah ee ku safra Muqdisho, maadaama ay shirkaddani ahayd mid ka mid ah diyaaradaha yar ee si toos ah uga duula caasimadaha Yurub una timaada Soomaaliya. Lama oga in hakintani ay sii socon doonto kaddib muddada lagu dhawaaqay iyo in kale.
Wararka manta
Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu…
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka. Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye,…
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari
ShareMarwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay guul kale oo ay xildhibaanada taageersan Madaxweyne Firdhiye ka gaareen tartankii siyaasadeed ee golaha ka dhex…