
Wararka24: Howlgallo milatari oo qorshaysan ayaa si xooggan uga socda Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa difaaca shacabka ay hareereeyeen maleeshiyada Al-Shabaab ee dhowaan qabsaday magaalada.
Wararka ka imaanaya aagga dagaalka ayaa sheegaya in Talaadadii ay ciidamada dowladda weerar culus ku qaadeen fariisimaha Shabaab ee Ceelbaraf, inkastoo aysan weli si rasmi ah u la wareegin degmada. Ciidamada ayaa si xeel dheer u xannibay dhammaan marinadii muhiimka ahaa ee sahaydu uga imaan jirtay kooxdaas, taasoo culays weyn ku ah difaacooda.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in waddooyinkii Ceelbaraf xiriir la lahaa degmooyinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi la gooyay
Halka sidoo kale la xayiray dariiqa hawdka galbeed ee isku xira Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, taasoo meesha ka saartay fursad ay Shabaabku uga bixi karaan goobta dagaalka.
Diyaaradaha dagaalka ayaa si joogto ah ula beegsanaya goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin Ceelbaraf, taasoo sii adkeysay xaaladdooda. Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in duqeymihii ugu dambeeyay ay sababeen khasaare xooggan oo soo gaaray maleeshiyada ku sugan gudaha iyo duleedyada degmada.
Dagaalka xoogiisa awgii, shacabka ku nool Ceelbaraf ayaa billaabay inay isaga baxaan magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaallamo. Wararka qaar ayaa sheegaya in boqolaal qoys ay si degdeg ah uga qaxeen degmada habeenkii xalay, maadaama xaalada ay kasii darayso.
Degmada Ceelbaraf ayaa hadda noqotay goob dagaal oo istiraatiiji ah, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay ciidamada dowladda qaadayaan tallaabooyin cusub oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.
Wararka manta
NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in howlgalka, oo ay hay’addu sheegtay inay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamka, lagu bartilmaameedsaday goob ay ku urursanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.…
Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cabdullaahi Ibraahim Cabdi loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud…
Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu dhawaan amray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Golaha Shacabka ayaa 23-kii Sebtembar ansixiyay qaraar uu ku laalay Xeer Lr. 132 iyo…









