• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Soomaaliya oo ku biirtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo ku biirtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika
Share

Wararka24: Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, taasoo markii ugu horreysay dhacaysa tan iyo aasaaska golahan sanadkii 2003.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa, ayaa ka taagay calanka Soomaaliya xarunta golaha, taas oo muujinaysa bilaabashada waajibaadka cusub ee dalka muddada 2026 ilaa 2028.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah, taas oo kor u qaadaysa sumcadda iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo ammaanka qaaradda Afrika.

Safiirka ayaa sheegay in xubinnimadani ay sare u qaadeyso codka Soomaaliya ee ku aaddan dejinta ajandaha nabadda iyo ammaanka Afrika.

Soomaaliya ayaa loo doortay kursigan bishii Febraayo 2026, iyadoo ka mid noqon doonta 15-ka xubnood ee golaha.

Inta ay xubinta ka tahay, Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadan doonta ka hortagga khilaafaadka, nabad-dhisidda, la dagaallanka argagixisada iyo taageeridda dib-u-soo kabashada dalalka colaadaha kasoo kabanaya.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ah hay’adda ugu sareysa ee go’aan qaadashada ee AU ee ka shaqeysa xallinta khilaafaadka iyo sugidda nabadda.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Soomaaliya ay sii xoojinayso dadaalladeeda gudaha ee dhinaca amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.