• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF oo soo saartay wareegto ku saabsan xil haynta maamullada Koonfur Galbeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
DF oo soo saartay wareegto ku saabsan xil haynta maamullada Koonfur Galbeed.
Share

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto ku saabsan xil haynta maamullada heer gobol iyo heer degmo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in dhammaan maamullada heer degmo iyo gobol ay sii wataan shaqooyinkooda si caadi ah, ilaa laga soo dooranayo goleyaal cusub oo beddela si waafaqsan sharciga.

Wasaaradda ayaa tilmaantay in go’aankan uu ku saleysan yahay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed, si looga hortago firaaq maamul iyo carqalad ku timaada adeegyada bulshada.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in madaxda sare ee maamulka ay ku jiraan muddo dhaaf xileed, taasoo u baahan xal sharciyeysan oo waafaqsan nidaamka dowladnimada.

Qoraalka ayaa xusay in wasaaradda, iyadoo la tashaneysa odayaasha dhaqanka, ay si gaar ah u ilaalin doonto maamullada jira, isla markaana ay buuxin doonto xilalka bannaan ee ka dhasha.

Waxaa sidoo kale la faray hay’adaha amniga iyo dhammaan xafiisyada ay khusayso wareegtada inay dhaqan geliyaan go’aankan, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo sii socoshada maamulka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.