• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Galmudug oo sheegtay inay dhexdhexaadinayso khilaafka DF iyo Koonfur Galbeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Galmudug oo sheegtay inay dhexdhexaadinayso khilaafka DF iyo Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Cali Daahir Ciid ayaa xusay in Galmudug ay gogol u dhigi doonto labada dhinac si dib loogu soo celiyo wadahadal iyo is afgarad, isaga oo tilmaamay in khilaafyada siyaasadeed ay halis ku yihiin xasilloonida dalka.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso xal u helidda arrimaha ka taagan Muqdisho iyo Baydhaba, isagoo ugu baaqay dhinacyada inay muujiyaan tanaasul.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay culimada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu dejinayo xiisadda, isla markaana dib loogu soo celiyo wadahadalka.

Wuxuu ka digay in khilaafyada noocan ah ay wiiqi karaan nabadda iyo horumarka dalka, haddii aan si degdeg ah loo xallin.

Cali Daahir Ciid ayaa soo dhaweeyay baaqyada ku aaddan wada hadal, wuxuuna ugu baaqay madaxda Koonfur Galbeed inay ka qeyb qaataan xalinta khilaafka.

Ugu dambeyn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadahadal iyo is afgarad, isagoo xusay in Soomaalida ay mas’uul ka tahay ilaalinta midnimadeeda iyo dowladnimadeeda.

DAAWA


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.