Wararka24: Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad kacsan laga dareemayo magaalada Baydhaba iyo duleedkeeda, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxo mucaarad ah oo kasoo horjeeda madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga soo sheegayaa gudaha iyo hareeraha magaalada, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan in ay xoojiyaan gacan ku heyntooda Baydhaba.
Dagaallada ayaa sidoo kale kusii fiday deegaano ku teedsan duleedka magaalada, iyadoo la sheegay in ay saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah xilli ay socdeen munaasabado ciid.
Kooxda la baxday Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa ku eedeysay ciidamada maamulka inay beegsadeen dad shacab ah, eedeymahaas oo aan si madax banaan loo xaqiijin.
Waxay sidoo kale sheegeen in weerarradaasi ay khatar ku yihiin badqabka dadka rayidka ah, isla markaana ay yihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Dhanka kale, warar ayaa tilmaamaya in dhinacyada is haya ay wadaan kulamo iyo abaabul ciidan oo la xiriira qorshayaal siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka maamulka.
Xiisadda ka taagan Baydhaba ayaa u muuqata mid sii xoogeysaneysa, iyadoo weli aan la arkin dadaallo muuqda oo lagu dejinayo xaaladda.




















