• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Mareykanka oo $15,000 ka dhigay lacag damaanad fiiso oo 50 dal ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka oo $15,000 ka dhigay lacag damaanad fiiso oo 50 dal ah
Share

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta ka socda 50 dal laga rabo inay bixiyaan lacag damaanad ah oo gaareysa ilaa $15,000 si ay u dalbadaan fiisaha dalxiiska iyo ganacsiga.

Go’aankan oo uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kusoo aadaya kadib markii 12 dal oo cusub lagu daray liis hore oo ka koobnaa 38 waddan, taasoo ka dhigeysa tirada guud 50 dal .

Barnaamijkan ayaa la filayaa inuu dhaqan galo 2-da bisha April, waxaana uu khuseeyaa fiisooyinka nooca B1 iyo B2, iyadoo lacagta la dhigayo ay u dhexeyn karto $5,000 ilaa $15,000, sida ay go’aamiyaan saraakiisha qunsuliyadaha .

Ujeeddada tallaabadan ayaa lagu sheegay in lagu yareeyo dadka ku sii nagaada Mareykanka kadib marka uu ka dhaco waqtiga fiisahooda, iyadoo dowladda ay sheegtay in nidaamkan uu hore u muujiyay natiijooyin wanaagsan .

Sida lagu sheegay qorshaha, lacagta damaanadda ah waxaa dib loogu celinayaa qofka haddii uu u hoggaansamo shuruudaha fiisaha ama haddii uu go’aansado inuusan safarka sameyn .

Dalalka cusub ee lagu daray liiska waxaa ka mid ah Ethiopia, Tunisia, Mozambique, Cambodia iyo kuwo kale, kuwaas oo inta badan lagu doortay heerarka sare ee ku xadgudubka shuruudaha fiisaha .

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah siyaasadaha adag ee socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo sidoo kale ay ku jiraan xayiraado safar, tarxiil iyo adkeynta baaritaanka dadka soo galaya dalka .

Dhinaca kale, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dhaliilay nidaamkan, iyagoo sheegay inuu culays dhaqaale saarayo dadka safarka doonaya isla markaana uu xaddidi karo helitaanka fiisaha.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.