• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo taageeray go’aannada Lafta-gareen

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 3 mins read
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo taageeray go’aannada Lafta-gareen
Share

Wararka24: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ayaa taageero u muujiyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, kadib go’aanno uu ku jaray xiriirka dowladda Federaalka.

Golaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Lafta-gareen uu ku qaadacay dastuurka cusub ee la ansixiyay, isaga oo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu weli aqoonsan yahay dastuurkii KMG ahaa ee 2012.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa taageeray qorshaha Koonfur Galbeed ay ku qabaneyso doorasho, iyagoo ugu baaqay maamul goboleedyada kale ee Galmudug iyo HirShabelle inay sidoo kale galaan doorashooyin.

Qoraal ay soo saareen ayaa waxaa digniin loogu diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka digay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo khilaafaad gudaha ah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in goluhu uu diidan yahay wax ka beddelka dastuurka ee ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, isla markaana ay ka digayaan ku takrifalka hay’adaha dowladda ee xasaasiga ah.

Taageeradan ayaa timid kadib markii Lafta-gareen uu soo saaray go’aanno ay ku jiraan qabashada doorasho iyo joojinta xiriirka dowladda dhexe, arrintaas oo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo wararka laga helayo deegaannadaasi ay muujinayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabsi laga qabo isku dhacyo hor leh.

Akhriso Qoraalka ay soo saareen Golaha Mustaqbalka


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.