• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 5 mins read
hawlgalka ciribtirka Daacish

Ciidanka Difaaca Puntland manta Dooxada Jaceyl Photo Credit Universal somali Tv

Share

Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Puntland manta Dooxada Jaceyl Photo Credit Universal somali Tv

Wararka24: Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii ballaarinaya howlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish, iyagoo guulo ka gaaraya dagaalka ka socda Buuraleyda Calmiskaad. Ciidamadu waxay si qoto dheer ugu fidayaan deegaanada Balidhidin, Iskushuban, iyo Qandala, iyagoo dagaal ku qaaday goobo ay hore u maamulayeen Daacish.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gaareen dhulka muhiimka ah ee Isha Daltoonle iyo Isha Bilcil oo ku yaalla Dooxada Jaceyl, meel dhirirkeedu boqolaal mitir ka sarreeyo dhulka caadiga ah, taasoo difaac muhiim ah u ahayd Daacish. Weerarada cirka ee Imaaraadka Carabta ay fuliyeen toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa suurageliyay in ciidamada Puntland ay horumar weyn ka sameeyaan howlgalkan.

Shalay galab, ciidamada Puntland ayaa la wareegay difaacyadii ay Daacish hore uga samaysatay buuraha sare ee Dooxada Jaceyl. Taliska Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka illaa inta laga ciribtirayo Daacish.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin Cali, uu hadda yahay bukaan la yaal, isla markaana aanu lahayn awood uu dagaalka ku hogaamiyo. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah ku-xigeenka hoggaanka Daacish, inuu joojiyo dhalinyarada uu ku luminayo dagaalka.

“Cabdiraxmaan Faahiye Ciisow, Cabdiqaadir Muumin gacanta wax kuma haysaan, qoyska ay ka dhashayna waa kuwa ciidanka horsocda. Dhallinyarada aad halaagayo jooji,” ayuu yiri Taliyaha.

Wuxuu intaas ku daray in haddii baaqooda la dhagaysan waayo, ay ciqaabta ay mudan yihiin ku ridi doonaan. DGP ayaa bishii saddexaad dagaal kula jirta Daacish, iyagoo howlgalka ay ugu magac dareen “Hawlgalka Ciribtirka Daacish” uu guulo la taaban karo gaaray..

ciidanka Puntland ayaa jimcihii lasoo dhaafay si buuxda ula wareegay xaruntii ay kooxda Daacish ku lahayd Dhaban-qooxle, oo ka tirsan deegaanka Uur Caleed ee Gobolka Bari,

Xaruntan oo ku taalla dhul aan la degganeyn, una dhow Dooxada Dharoor, ayaa muhiim u ahayd Daacish, maadaama ay qayb ahaan ka fidsan tahay Degmooyinka Ufeyn iyo Iskushuban

Guushaan maanta ay ciidamadu ka gaareen ee deegaanada Balidhidin, Iskushuban, iyo Qandala, oo ay hore u maamulayeen Daacish ayaa dhigan in Ciribtirka wakhtigiisa lajoogo..

Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni ayaa habeen hore shaaciyey dhammaadka wejigii labaad ee howlgalkan, isagoo caddeeyey in wajiga saddexaad uu bilaabanayo Jimcaha.

Sawiro Ciidanka DGP ee manta Dooxada Jaceyl

Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Difaaca Puntland

Wararka Ugu Aqrinta badan

  • NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

    NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

    ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in howlgalka, oo ay hay’addu sheegtay inay ka…

    Sii Aqri


    September 26, 2026
  • Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

    Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

    ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cabdullaahi Ibraahim Cabdi loogu magacaabay Agaasimaha Guud…

    Sii Aqri


    September 26, 2026
  • Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

    Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

    ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu dhawaan amray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.…

    Sii Aqri


    September 26, 2026

Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.