Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shariif iyo Farmaajo oo Cambaareeyay Xarigga Hoggaanka SOYPA

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qabashada saddex xubnood oo ka tirsan hoggaanka ururka dhalinyarada ee SOYPA, kuwaas oo lagu xiray magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 17, 2026, 10:30 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Shariif iyo Farmaajo oo Cambaareeyay Xarigga Hoggaanka SOYPA
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qabashada saddex xubnood oo ka tirsan hoggaanka ururka dhalinyarada ee SOYPA, kuwaas oo lagu xiray magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa bayaan uu soo saaray ku tilmaamay dhacdada “afduub,” isaga oo dalbaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Abuubakar Macallin Maxamed, Axmednuur Xasan Cabdi iyo Najiib Cosoble. Wuxuu xusay in beegsiga dhalinyarada firfircoon uusan waxba u tarayn dowladnimo, nabad iyo xasillooni.

Farmaajo, oo isna war-saxaafadeed gaar ah soo saaray, ayaa sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso jiho khaldan oo dalka loo wado, isaga oo carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta aragtidooda dhiibta aan lagu caburin karin cabsi iyo tacaddi.

Inkasta oo saddexda xubnood goor dambe la sii daayay, hadallada ka soo baxay labada madaxweyne ayaa muujinaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan sida loola dhaqmo dhalinyarada siyaasadda ku firfircoon, xilli ay weli taagan yihiin muranno la xiriira dastuurka iyo jihada doorashooyinka dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

3 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

3 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

3 hours ago
Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

3 hours ago
QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

9 hours ago
Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

10 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

10 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

11 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.