Wararka24: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Gorgor iyo Danab, ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan tuulooyin ku yaalla dhanka deegaanka Xaaji Cali.
Howlgalkan oo lagu xaqiijinayay amniga ayaa ciidamada ku sameeyeen baaritaanno iyo hubin deegaannada howlgalka laga fuliyay, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda iyo in shacabka lagu dhibaateeyo.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay sidoo kale halkaasi ka sameysteen saldhigyo cusub oo ay ku xoojinayaan amniga deegaannada la gaaray.
Howlgalkan waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Cabdiwali Januune, oo ah Taliyaha Ururka 184-aad ee Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, iyo Dhamme Maxamed Cabdulqaadir Diiriy, Taliyaha Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.


























