• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dr. Sheekh Maxamed Shaakir oo Bogaadiyay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dr. Sheekh Maxamed Shaakir oo Bogaadiyay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya
Share

Wararka24: 10-02-2026 Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa bogaadiyay tallaabadii ay Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen dastuurka dalka iyo saxiixa uu ku dhaqan geliyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in ansixinta dastuurka cusub ay tahay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya uga gudubtay marxaladdii dastuurka ku-meel-gaarka ahaa ee dalka muddo dheer ku shaqeynayay.

“Tallaabada taariikhiga ah ee lagu meel mariyay dastuurka Soomaaliya loogana gudbay magaca dastuur ku meel gaar ah, waxay Soomaaliya u furtay waddo cusub oo ka turjumaysa dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxda dowladda iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka, isagoo ku amaanay dadaalkii ay ku bixiyeen dhameystirka dastuurka dalka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa madaxda dowladda iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida geesinimada leh ee ay uga soo shaqeeyeen in Soomaaliya yeelato dastuur dhameystiran oo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya,” ayuu raaciyay.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.