Wararka24: 4-02-2026 Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay kulan la yeelatay mas’uuliyiin ka socday dowladda Mareykanka iyo maalgashadayaal daneynaya kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, si loo xoojiyo iskaashi ku saabsan shidaalka iyo macdanta.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhinaca Mareykanka ka matalayay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana hoggaaminayay kusimaha safiirka, Justin Devil.
Sida uu sheegay wasiirku, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray dhiirigelinta maalgashadayaasha Mareykanka si ay u maalgashadaan Soomaaliya, gaar ahaan qaybaha shidaalka iyo macdanta.
Wasiir Daahir Shire ayaa xusay in labada dhinac ay isku afgarteen in la kordhiyo wada shaqeynta farsamo si loo fududeeyo soo bandhigista fursadaha maalgashi ee ka jira dalka. “Waxaan ka wada hadalnay sidii si wadajir ah looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka, loona abuuri lahaa jawi dhiirigelinaya maalgashi Mareykan ah oo ka dhaca Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la qorsheynayo kulamo kale oo farsamo oo ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo guddi farsamo oo ka socda safaaradda Mareykanka.
Dhankiisa, kusimaha safiirka Mareykanka Justin Devil ayaa muujiyay kalsooni ku aaddan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, isagoo xusay in shirkadaha Mareykanka ay si madax-bannaan u gaaraan go’aannada ku saabsan maalgashiga ay sameynayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ku bixinaysay sidii ay u soo jiidan lahayd maalgashi caalami ah, iyadoo sheegtay in horumar laga sameeyay dhinacyada sharciyeynta iyo dejinta siyaasadaha la xiriira maareynta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka





















