• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, June 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo DF Uqabtay Mudo 20 cisho ah?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe

Wararka Ugu Aqrintabadan

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

9 hours ago
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

10 hours ago
Load More
Share

Wararka24: 14-01-2026: Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in maamulkiisu qaadi doono go’aanno adag haddii ilaa 20-ka bishan aan wax jawaab ah laga helin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku saabsan nidaamka doorasho ee dalka.

Hadalkan ayuu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland, isaga oo xusay in Jubbaland ay mar walba u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin go’aanno hal dhinac ah.

Axmed Madoobe

“Jubbaland waxa ay u taagan tahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Somaliland waxa aan leeyahay, halka aad aadeen la idin kama jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka uu u baahan yahay xal qaran oo lagu wada heshiiyay, isaga oo sheegay in aanay suurtagal ahayn in hal dhinac oo kaliya uu go’aan kama dambeys ah ka gaaro mustaqbalka doorashada.

Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xisbiyada mucaaradka hore u muujiyeen walaac la mid ah, iyaga oo ku hanjabay inay qaban doonaan doorasho iyaga u gaar ah haddii aan la helin hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyay, kuna dhisan dastuurka iyo is-afgarad siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay si degdeg ah uga jawaabto walaacyada jira, isla markaana la isugu yimaado wadatashi ballaaran oo lagu badbaadinayo midnimada dalka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Share
Previous Post

DEGDEG: Shabaab OO Weerar Ku Qaadeen Beledweyne?

Next Post

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Davos Kula Kulmay Madaxweynaha Israa’iil

Related Posts

Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

by Amin Cali Abdi
9 hours ago

Wararka24: Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gobolka, kadib duqaymo uu...

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

by Amin Cali Abdi
9 hours ago

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay agaasimihii hore...

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

by Amin Cali Abdi
10 hours ago

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad...

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

by Amin Cali Abdi
10 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi heer wasiir ah u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,...

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

by Amin Cali Abdi
14 hours ago

Wararka24: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa magacaabay Maxamed Yahya inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

by Amin Cali Abdi
15 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay fuliyeen duqeymo...

Load More
Next Post
Somaliland

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Davos Kula Kulmay Madaxweynaha Israa’iil

Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar Ku Tagaya Addis Ababa

Kudhaa

Dagaal Culus Oo Markale Ka Qarxay Magaalada Kudhaa Ee Jubbada Hoose

Recommended

Eritrea oo noqotay xudunta loollanka cusub ee Badda Cas

Eritrea oo noqotay xudunta loollanka cusub ee Badda Cas

1 month ago
Kenya

Waalidiin Soomaaliyeed oo Carruurtooda u Dira Xerooyin dhaqan-celin Tacaddiyo ka Dhacaan oo Ku Yaalla Soomaaliya iyo Kenya.

5 months ago
Safarka Cirro ee Imaaraadka oo hadal-heyn dhaliyay

Safarka Cirro ee Imaaraadka oo hadal-heyn dhaliyay

2 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

4 weeks ago
NISA

NISA oo fulisay howlgal lagu laayey Horgoogayaal katirsan shabaab..

1 year ago
degmada Eyl

Puntland oo Xalisay Xiisad Ka Jirtay Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

1 year ago
Safiirka Soomaaliya ee Nigeria oo waraaqaha aqoonsiga si rasmi ah u gudbiyay

Safiirka Soomaaliya ee Nigeria oo waraaqaha aqoonsiga si rasmi ah u gudbiyay

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.