Wararka24: 14-01-2026: Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo xalay ay Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare kala duwan.
Weerarka, oo sida la sheegay si aad uqorsheysan loo fuliyay, ayaa lagu beegsaday saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin xaafadda Buundo-weyn, waxaana kadib xigay dagaal saacado qaatay oo u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hub kala duwan, isla markaana madaafiic ay rideen Al-Shabaab ay qaarkood ku dhaceen xaafadda Buundo-weyn, halkaas oo ay deggen yihiin dad shacab ah.
Waxaa sidoo kale la soo wariyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn tirada, maadaama uu weerarku dhacay xilli habeenimo ah.
Dhanka kale, saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Beledweyne ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, isla markaana ay weli socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo raggii fuliyay weerarka.
Xaaladda magaalada ayaa haatan deggan, mana jiro illaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan faahfaahinta weerarka.
Beledweyne ayaa marar badan horey u noqotay bartilmaameed ay Al-Shabaab ku beegsadaan fariisimo ciidan, iyadoo sidoo kale ay ka fuliyeen weerarro sababay khasaare kala duwan.
















