Wararka24: 14-01-2026: Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, oo maamusha dekedda Berbera, ayaa sheegtay in hawlaha dekeddu ay weli u socdaan si caadi ah, isla markaana ay waafaqsan yihiin heshiisyadii hore u jiray, inkastoo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Imaaraadka.
DP World ayaa hadalkan ka jeedisay warbixin ay siisay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo xustay in shirkaddu ay diiradda saarayso bedqabka dekedda, habsami u socodka hawlaha ganacsi, iyo fududeynta ganacsiga, si ay faa’iido dhaqaale ugu hesho Somaliland iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yimid kadib markii ay shaacisay inay baabi’isay dhammaan heshiisyadii kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan kuwa dekedaha, difaaca, iyo iskaashiga amniga, iyadoo dalalka qaar ee gobolka ku eedeysay inay faragelin ku hayaan madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Reuters ayaa sheegtay in tallaabadan ay ku soo beegantay xilli ay jireen khilaafaad ka dhex taagnaa xulafada Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen, gaar ahaan muran sii xoogeysanayay oo u dhexeeyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, taas oo saameyn ku yeelatay xiriirrada siyaasadeed iyo amni ee gobolka.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in xiisadda Yemen ay cirka isku shareertay bishii hore, kadib markii xoogag gooni-u-goosad ah ay la wareegeen qaybo ka mid ah koonfurta Yemen, oo ay ku jirto dekedda Cadan, iyagoo u sii siqayay xuduudda Sacuudiga, taasoo Riyadh ku qasabtay inay ku dhawaaqdo khatar amni oo soo wajahday dalkeeda.
“DP World waxay si buuxda diiradda u saaraysaa sugidda amniga, habsami u socodka hawlaha dekedda, iyo horumarinta ganacsiga,” ayaa lagu yiri qoraal ay shirkaddu u dirtay Reuters, iyadoo intaas ku dartay in arrimaha siyaasadeed iyo khilaafaadka diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo ay khuseeyaan dowladaha ay arrintu saameyneyso.
DP World ayaa horay u maalgelisay lacag lagu qiyaasay $442 milyan oo doollar oo lagu horumariyay laguna ballaariyay dekedda Berbera, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo dhaqaale iyo mid amni oo Imaaraadku la leeyahay Somaliland.
Dhanka kale, bishii lasoo dhaafay Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u shaaciya aqoonsiga Somaliland, tallaabadaas oo warbixinno ay soo xigatay Reuters ay tilmaameen in ay fududeysay dowladda Imaaraadka, sida lagu sheegay warbixin ay horay u daabacday Axios oo soo xigatay ilo Israa’iiliyiin ah.
















