Wararka24: 12-01-2026: Dowladaha Soomaaliya iyo Myanmar ayaa si rasmi ah u bilaabay xiriir diblomaasiyadeed oo cusub, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, taas oo lagu shaaciyay furitaanka bog cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya labada dal.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalalka Malaysia iyo Myanmar, Cali Maxamed Abuukar, ayaa sheegay in xiriirkan cusub uu yahay mid muhiim ah, isla markaana uu saldhig u noqon doono wada-shaqeyn ballaaran oo ku wajahan danaha labada dhinac.
“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso Myanmar si loo horumariyo danaha wadaagga ah, loona xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood,” ayuu yiri Danjire Cali Maxamed Abuukar.
Danjiraha ayaa intaas ku daray in labada dal ay xoogga saari doonaan iskaashi la xiriira horumarinta, danaha guud, iyo arrimo kale oo labada dhinac faa’iido u leh, isaga oo tilmaamay in xiriirkan uu furi doono fursado cusub.
Dhankeeda, Safaaradda Myanmar ayaa si diirran u soo dhaweysay tallaabada lagu bilaabay xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay la-shaqeynta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka cusub ee labada dal.
















