Muqdisho – Wararka24: Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kasoo degay Garoonka Aadan Cadde kadib muddo uu dalka dibaddiisa kaga maqnaa. Soo laabashadiisa ayaa dhacaysa xilli caasimaddu ay ka jirto dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo sii kululaanaya.
Farmaajo waxaa garoonka kusoo dhaweeyay xildhibaano, siyaasiyiin hore iyo dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay afaafka garoonka. Dadka goobta joogay ayaa sheegay in diyaar garow ballaaran uu ka socday gudaha iyo bannaanka garoonka saacado kahor imaanshihiisa.
Soo laabashada madaxweynihii hore ayaa kusoo beegmaysa iyadoo magaalada ay maalmahan ku qulqulayeen siyaasiin iyo hoggaamiyeyaal mucaarad ah oo abaabulaya kulamo la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo sidii loo sameyn lahaa isbahaysi cusub.
Wararka laga helayo xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa tilmaamaya in Farmaajo uu qorsheynayo kulamo uu la yeesho siyaasiyiin, xildhibaanno iyo qaybaha bulshada, inkastoo weli aan si rasmi ah loo shaacin doorka uu ka qaadan doono tartanka siyaasadeed ee soo socda.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada ka taagnaa hadal heyn ku saabsan diyaar garowga doorashooyinka, iyadoo mucaaradku ay dhaliil xooggan u jeedinayeen qaabka ay dowladda u waddo habraaca doorashada.
Imaanshaha Farmaajo ayaa hadda sii kordhiyay xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho, maadaama uu yahay siyaasi weli leh taageero muuqata oo ka jirta caasimadda iyo qaybo kale oo dalka ah.















