Muqdisho – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun adag ku riday haweeney la dhaho Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira maalgelinta Al-Shabaab, dhaqidda lacag sharci-darro ah iyo ka mid ahaanshaha ururkaas.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in akoonkeeda la marsiiyay lacag dhan $1,237,010, taas oo loo adeegsaday maalgelin iyo hawlo kale oo argagixiso.
Maxkamaddu waxay ku xukuntay Nadiifo 15 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $20,000. Sidoo kale, akoonnada iyo hantida kale ee ay lahayd ayaa lagu wareejiyay dowladda.
Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa ku tilmaamay kiiskan digniin cad oo loo dirayo cid kasta oo ku lug leh maalgelinta argagixisada ama dhaqidda lacagaha sharci darrada ah, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay si adag ula dagaallamayso falalka noocaas ah.