Wararka24: Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay galabta la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ceelbaraf ee gobolkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay bilaa dagaal kula wareegtay degmadaasi.

Ciidamadii ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in ay isaga baxeen, ka dib markii ay ka war heleen in Shabaabka ay ku soo wajahan yihiin. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabku ay guryaha qaarkood kala baxeen tiro dad ah, iyadoo aan la ogeyn waxa dadkaasi ay ka damacsan yihiin.
Al Shabaab oo la wareegtay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa imanaya…
Xilli ay maleeshiyadu weerar culus ku ekeeyeen deegaanada Cali Fooldheere, Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca, iyo Alkowsar ee gobolkaasi. Dowladda Federaalka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadaasi, isla markaana ay ka dileen 130 nin.
Al Shabaab ayaa waxay dhankeeda sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaalka kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna sidoo kale sheegtay in ay dileen tiro badan oo ka mid ah Ciidamada Dowladda.
Weeraradan ayaa loo fasirtay kuwo ay Shabaabku ku carqaladeynayaan hawlgalka ka soconaya deegaanada Hirshabelle, ee la doonayo in lagu xoreynayo dhulka maqan.
- Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto
- Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay
- Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan
- Lixda qodob ee ugu waaweynaa khudbaddii Xasan Sheekh ee QM
- Faransiiska oo ciidamo iyo nidaamyo difaac u diraya Sacuudiga
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la badbaadiyay. Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay markabka uu dhacay kaddib iska horimaad dhexmaray…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda maamusho, xilli howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo isbeddel iyo hoos u dhac ku yimaada joogitaanka ciidamadiisa. Hay’addu waxay sheegtay in khatartu…









